Dibu dhaca umadeena ma aqoonyahankeenaa ku eedaysan, mise umadeenaa ku eedaysan?

0
August 05, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibu dhaca umadeena ma aqoonyahankeenaa ku eedaysan, mise umadeenaa ku eedaysan?

    Dibu dhaca umadeena ma aqoonyahankeenaa ku eedaysan, mise umadeenaa ku eedaysan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibu dhaca umadeena ma aqoonyahankeenaa ku eedaysan, mise umadeenaa ku eedaysan?


Aqoonyahanka iyo muhiimadiisa.
warsan iyo weedhsan dhamaan akhyaareey kalmada aqoonyahan waa erey kusuntan ildheergaradnimo iyo waxgarashoba, waxaanay tahay qof lagu tuhmaayo aqoonta sooceeda, waxaydoontoba ha ahaatee,inagoon u galayn sharaxaad badan waxaa jirta iyadoo aqoonyahan lawada noqon karo hadana kooxbulshada ka mida ayaa si gaara loo
toy´daa taas oo umadkastaa leedahay, waana kooxda loo yaqaan (Elite group) waxay kooxdani tahay kooxda u horseeda umadkasta horumar ama dibu dhac sidoo kale waxaynu quraanka ku haynaa in dunida kuwa umadahooda halaaga u horseedayaa aakhirona imanayaan iyagoo umadahooda u horkacaaya dhinacaa iyo naarta sida suurtu Huud eebe kaga sheekaynaayo fircoon iyo siduu umadiisa ugu hogaaminaayo cadaabta maadaama uu isagu dunida ku hogaaminaayey
يَقْدُمُ قَوْمَهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَأَوْرَدَهُمُ النَّارَ وَبِئْسَ الْوِرْدُ الْمَوْرُودُ ) dhinaca kale waxaa kale oo aynu ogsoonahay in todoba carshiga eebe hoos hadhsanaysa maalinta qiyaamaha uu ku jiro nin umad usoo talinaayey si cadaalada ugu talinaayey. Aayad kale wuxuu eebe ku lahaa iyana sidan
( وإذا أردنا أن نهلك قرية أمرنا مترفيها ففسقوا فيها فحق عليها القول فدمرناها تدميرا ) oo ah halaaga tuulo ama kooxi ku xidhantahayba madaxya wayntooda hadba wadaday u horseedaan kooxdaa ama tuuladaa ama umadaaba.
 
aqoonyahanka iyo dhaqankeena.
markaynu u nimaadno dhaqankeena iyo aqoonyahanka xidhiidhka ka dhaxeeya wuxuu yahay inaanu dhaqankeenu wali ahayn miduu hogaaminkaro aqoonyahanku, balse ilaa hada waxaa aqoonyahanka hogaamiya dhaqankeena. Tusaale waxaa laga yaabaa inaad wadankii ku aragto aqoonyahan hebel oo dunida horumarka lagu tilmaamo ka yimi kana gaadhay aqoonta heerkeeda la janto hase ahaatee markuu wadankii ku laabto wuxuu dabafadhiisanayaa suldaanka beesha, halka ay ka ahayd inuu suldaanku daba fadhiisto aqoonyahanka taasina waxay sababtay inuu aqoonyahankii ku dhexmilmo bulshadii ay ahayd inay isaga ku dhex milanto, waxaa kaloo ay sababtaa halkii ay ahayd inuu isagu afkaar cusub ku soo kordhiyo bulshadii uu ka maqnaa inay isaga u laqimaan afkaartii gabowday ee boodhku sii fuulay intuu ka maqnaa dalka oo uu isla markaa galo isagu aqoon korodhsi ku saabsan wixii dhaafay intuu maqnaa. Taasina ay dhaxalsiiso inaad ka dhex garanwaydo aqoonyahankaba umadiisa waayo wax uga eekaansho badanba ma jiraan taasoo ah guuldarada ugu wayn ee inagu habsatay.


Miyey ina horgalaan, mise way ina dabagalaan aqoonyahankeenu ?
Markaad u fiirsato faraqa u kala dhaxeeya inaad umad ama koox dabada ka kaxayso iyo inaad umad ama koox horgasho wuxuu yahay: qoladaad dabo gasho iyagaa kuwada, walaw aad madaxba u ahaatide, taas. Micnaheedu wuxuu ka dhigan yahay: waxaad ku hogaaminaysaa rabitaankooda iyo siday hadba kuu tilmaamaan sidaa darteed adaa ka sugaaya marwalba wixii la yeelilahaa ee iyagu kaa sugimaayaan inaad u hindisto wixii ay yeelilahaayeen, taasina. Waa musiibada ina haysata ,qolada kalee aad horgashayna adaa wada walow aad shacabkaba ka mid ahaatide oo aad ahaatid qof qorshe u dajiya sida falaasifada ama mufakiriinta ay umad kastaa leedahay, waana sida lagu yaqaan hogaamiyaayasha dhabta ah oo ah inay umadahooda hogaamiyaan oo iyagu horkacaan ase aanay dabada ka kaxayn waxaynu tusaale ku naqaanaa madax ka mida kuwa casrigan danbe aynu iskuulada ku dhiganay ama ugu maqalka badanahay Taas micnaheedu maaha inaan dunida muslimka ah ka waayey tusaale se waxaan filayaa tacliinta aynu qaadanay awgeed inaydin ila wada garan doontaan kuwan aan sheegi doono aanay iiga baahnayn tafaasiil dheeraada .

Winston Churchil iyo mawaaqiftii uu ka istaagay umadiisa ingiriis waagii dagaalkii labaad socday.
Abraham Lincoln oo ahaa madaxwaynihii 16aad ee Maraykanka ( 1861-1865 ) iyo isna siduu umadiisii u hor istaagay arimihii adoonsiga iyo midnimadii wadankiisaba isagoo waaqaca umadiisu ay ahayd mid aad uga duwan afkaartuu ku dhaqaayey ee uu hirgaliyey taasna waxaa keentay muu ahayn mid dabada ka waday ee wuxuu ahaa mid umadiisa horkacaayey.Waxaynu taariikhda casriga ku haynaa iyana aabayaal umadeed kuwaas umadahoodii ku hogaamiyey afkaartay iyagu aaminsanayeen waa hogaamiyayaashee se aan ku hogaamin waxay umadoodu aaminsanayd ama siday u arkayeen xalka si ka duwan u ku hogaamiyey tusaale ahaan Mahatma Gandhi oo lagu tilmaamo inuu yahay aabaha India horkacaayeyna waagii isticmaarka isagoo umadiisa ku hogaaminaayey aragtida maanta loogu yeedho (non violent civil disobedience) kaas oo ahaa kacdoon lagu diidanaa gumaystihii Ingiriiska se ahaa mid bilaa hub ahaa iyadoon tiro badan oo umadiisu aanay ku qanacsanayn fikirkaa hadana wuu ku hogaamiyey waanu ka midho dhaliyey Indiyana sidiibuu ku xoreeyey.
Mandela waxaynu la soconaa inuu Nelson mandela ahaa shaqsigii gaal iyo muslimba ka yaabay goaanadiisii go´aanadaas oo uu ku midyeey Koonfur Afrika, waxaana xusid mudan inaanay umadiisu ka raali ahayn hanaankii uu u horseeday ee ahaa in la iscafiyo nolol cusubna la bilaabo afkaartaas oo ku adkaatay inay qaataan in badan oo dadkiisa ka mid ahaa ilaa uu Mandela soo istaagay ama sidaan xalka u arko yeela ama aan idinkadego xilka hogaamintiina, taasina waxay ku tusaysaa inay dhamaan isaga iyo hogaamiyayaashaa aynu soo tilmaanay hor istaageen umadooda kuna hirgaliyeen afkaar ay iyagu hindiseen balse aanay ku hogaamin afkaar bisil oo ay umadahoodu soo bisleeyey oo diyaara, runtiina waa astaanta hogaamiyaha .


Indheergaradkii lixdankii wuu ina dabagalay ee inamuu horgalin.
Hadaan u imaado tajaaribtii kala duwanaa ee ay soo martay umadeenu tan iyo lixdanaadkii ilaa sagaashanaadkii waxaynu odhan karnaa marna muu soo marin hogaamiye horkaca ee dhamaan wixii soo maray waxay ahaayeen kuwo dabada ka waday oo hadba darka umadu u tilmaanto ka waraabinaayey ase aan iyagu karti u lahayn inay u ceelgeeyaan umadan halkii ay u arkaan inay u roontahay. Hadaan tusaale u soo qaato cigaal wuxuu ka mid ahaa lixdamadaadkii aqoonyahanadeenii sidii loo midoobayna wuu ka soo horjeeday ugamanuuna soo horjeedin ka mabda ahaan ee wuxuu ku khilaafsanaa wasiiladii loo midoobay ilaa laga sheego inuu yidhi ( umul baa todoba baxdee aynu todoba baxno) hase ahaatee muu awoodi karin inuu umadii waagaa jirtay ku muquuniyo afkaar ee wuxuu aqbalay waaqicii waagaas yaalay oo wuxuu dabada ka kaxeeyey umadii waagaas uu hormuudka u ahaa isagoo ku waday dariiqii ay iyadu u jeexday ase aan ku wadi dariiq uu isagu u jeexay.

Idheergaradkeenu marlabaadbay sagaashankii sidii lixdankii ina daba galen.
Hadaynu u nimaadno 1990kii iyo curashadii Somaliland waxay ka dhalatay jawigii iyo dareenkii bulshada ee waagaas, dareenkaas oo ahaa mid ku yaboohaayey gooni iskutaaga Somaliland kaas oo bulshada caadiga ahayd ay ku hadaaqaysay, halka xulka siyaasadu afkaar ´ afkaartaa ka duwan ku hayeen majaalistooda, hase ahaatee waxaanay awoodi karayn waajihitaanka ay waajahayaan dabaylaha isbadaldoonka ah ee geyiga ka jiray waagaas. Waxaana markhaati ma dona inaanu Cabdiraxmaantuur iyo kooxdiisu iyagu fikirkaa fikir ka duwan hoosta ku qarsanayeen balse dhibku wuxu ka jiray inaanay sidaynu nimankaas kor aynu ku sheegnay ee Mandela ama Mahatma gandhi ama kuwa kale ay umadooda afkaar ku hogaamiyeen balse indheer garadkeenii 1990kii aanu karikarayn inuu afkaar ku hogaamiyo bulshada uu hogaanka u hayo, sidaas darteed ayaa dhinacii daadku u socday ay u raaceen indheergaradkii waagaasi ee uu horkacaayey Tuur waana isla xaaladii Cigaal lixdankii maray ee ahayd inuu yeelay sidii umadiisu fartay ee ahayd Soomaaliya na gee halka Tuur isna afkaar umadu lahayd ku hogaamisay oo ahayd gooni iskutaaga nagu hogaami.

Guntii iyo gebogebadii waxba yuu hadalku ila sii dheeraanine ,markaad si wacan u daraasayso mushkilada ina haysataa waxay salka ku haysaa laba arimood oo muhiim u ah isbadalada umadaha. Labadaas arimood oo lagama maarmaan u ah isbadalkasta oo umad meel ku dhaqan lagu samayn rabo,
labadaas oo kala ah in la helo :-
A-Aqoonyahan ina hogaamiya se aan ina daba galin (Leadership)
B-Umad dhego nugul oo fulisa afkaarta san ee loogu yabooho (response)
nasiibdarose labadaas arimoodba waynu ka aradanahay, inta la inaga helaayo labadaas arimoodna wuxuu xaalkeenu ku sugnaan doonaa sidii dacawadii tidhi ( walee reer aan ogay ma guuro )



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online