Di Maria Oo Si Rasmiya Ugu Kooxda PSG

0
August 05, 2015 in Wararka by Wariye Dalmar
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Di Maria Oo Si Rasmiya Ugu Kooxda PSG

    Ciyaaryahanka reer Argentina ee Angel Di Maria ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu ku biirayo kooxda Paris St-Germain isagoo ka tagaya kooxda Manchester United, kaddib sanad uu garoonka Old Trafford ku dheelayay iyadoo lagu soo iibiyay lac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka reer Argentina ee Angel Di Maria ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu ku biirayo kooxda Paris St-Germain isagoo ka tagaya kooxda Manchester United, kaddib sanad uu garoonka Old Trafford ku dheelayay iyadoo lagu soo iibiyay lacagtii ugu badneyd ee ciyaaryahan ay koox British ah ku iibsato.
 Di Maria Oo Si Rasmiya Ugu Wareegay Kooxda PSG

Diyaariye: Cabdirisaaq DALMAR
Natiijada sawirka Angel Di Maria



Hargeysa -(SLL)-Ciyaaryahanka reer Argentina ee Angel Di Maria ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu ku biirayo kooxda Paris St-Germain isagoo ka tagaya kooxda Manchester United, kaddib sanad uu garoonka Old Trafford ku dheelayay iyadoo lagu soo iibiyay lacagtii ugu badneyd ee ciyaaryahan ay koox British ah ku iibsato.

Ciyaaryahanka reer Argentina eeAngel Di Maria ayaa dalka Qatar ku maray caafimaadka maalintii Talaadada ka hor inta uusan kharash dhan 63Malyan oo Dollarka Maraykanka oo  u dhiganta lacagta eura-da (£44.3m) halkaa ugu dhaqaaqin.

Labada kooxoodba ma aanay xaqiijin in ciyaaryahanka uu ku biiray ama ka tegay.

Di Maria, ayaa 32 kulan oo uu u saftay kooxda Manchester United waxa uu u dhaliyay 4 gool kaddib markii uu kaga soo biiray kooxda Real Madrid Agoostadii la soo dhaafay.

Di Maria, ayaa ciyaartii ugu horreysay ee uu ka dheelay Kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska waxa uu dhaliyay gool, ilaa iyo saddex ciyaar oo ka mid ah afartii ciyaar ee ugu horreysayna baasas uu dhiibay ayuu gool ku dhashay.


Natiijada sawirka Angel Di Maria

Waxaase aad loogu xasuustaa ciyaartii kaarka cas loo taagay ee ka tirsaneyd koobka FA-ga ee ay kooxdiisa la yeelatay kooxda Arsenal 9-kii bishii March ee sanadkan, markaa wixii ka dambeeyayna ciyaar kale lagumaba soo bilaabin ilaa ciyaartii ugu dambeysay horyaalka ee ay kooxdiisa la yeelatay kooxda Hull, 23 daqiiqo oo kaliya ayuuna dheelay oo dhaawac ayaa garoonka looga saaray.


Si kastaba ha ahaatee Ciyaaryahanka Di Mario ayaa aad ugu faraxsan inuu u wareego kooxda Paris St-Germain.


Diyaariye: Cabdirisaaq DALMAR.

somalilandlive.com

xafiiska Hargeysa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online