Faallo: Madaxweyne Wasiir Xirsi Waxa Uu Ka Dhigan Yahay"Baadida Nin-Baa Kula Day-Dayin Daalna Ka Badan Oo Aan Dooneyn Inaad Hesho Daa'in Abidka" cabdiasiis Bashiir Nuur

0
August 05, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Madaxweyne Wasiir Xirsi Waxa Uu Ka Dhigan Yahay"Baadida Nin-Baa Kula Day-Dayin Daalna Ka Badan Oo Aan Dooneyn Inaad Hesho Daa'in Abidka" cabdiasiis Bashiir Nuur

    Faallo: Madaxweyne Wasiir Xirsi Waxa Uu Ka Dhigan Yahay"Baadida Nin-Baa Kula Day-Dayin Daalna Ka Badan Oo Aan Dooneyn Inaad Hesho Daa'in Abidka" cabdiasiis Bashiir Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo: Madaxweyne Wasiir Xirsi Waxa Uu Ka Dhigan Yahay"Baadida Nin-Baa Kula Day-Dayin Daalna Ka Badan Oo Aan Dooneyn Inaad Hesho Daa'in Abidka" cabdiasiis Bashiir Nuur


Fadeexadaha ka soo if-baxaaya safar sideed caano maal ah oo u madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ku maraayey gobollada bari ee dalka ayaa noqday kuwo uu kow ka yahay Wasiirka Madaxtooyada, safarkaas oo ay wehelinaayeen xubno wasiiro oo uu hor-kacaayo Wasiirka Xirsi, xildhibaano iyo hoggaanka sare Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Bixii Cabdi. Waxana muuqatay fallaadho siyaasadeed oo kala qaybiyey xubnaha waftiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha siilaanyo, kuwaas oo ahaa garabyo iska soo hor-jeeda Ficil-tan faro badanina ka dhexeeyo. Waxana intaa badan la arkaayey wasiirka Madaxtooyadda oo garabka qabsanaaya madaxweynaha kuna hayey cidhiidhsi badan, oo aanay-sameyney xubnaha kale ee waftiga isagoo halis geliyey socodka Madaxweynaha.
Ficilada kala qaybiyey waftiga waxa intooda badan kow ka ahaa, wasiirka Madaxtooyadda Xirsi cali Xaaji xasan oo sammeeyey dhaqanno lidku ah anshaxa Madaxtimo iyo karaamada Madaxweynaha somaliland, waxanu markii hore qasab ugu daray inay waftiga ka mid noqdaan xubno ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Bixi Yoonis iyo wasiirka warfaafinta somaliland Cabdilahi Maxamed Daahir (Cukuse), sababta uu ugu darayna waxa ay ahayd sidii uu carqaladeyn lahaa safarka Madaxweynaha dadkana uu tusi lahaa inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo daba-da ku haya Musharax-nimada Xisbiga Kulmiye oo uu hore-u shaaciyey Madaxweyne siilaanyo inuu yahay Musharaxa shanta sanno ee soo socdaa.
Waxana markii ay xubnaha waftigu gaadheen Magaaladda burco soo ifbaxay kala qaybsanaan, iyagoo qaarkood degeen Huteel-ka palaza, halka kuwa kalena degeen xarunta Madaxtooyadda Burco. Sidoo kalena waxa uu wasiirka Madaxtooyadda oo qayb ka ahaa waftigu la kulmay Odayaal ka soo jeeda Beeshiisa, kuwaas oo ku saab-sanaa inuu Madaxweyne siilaanyo ka tanaasulay hankiisi musharax-nimo ee Doorashada soo socotaa, isla markana ay ku taageeraan Musharax Maxamed Bixi Yoonis, oo ah sida u sheegay ah, halyey keeni karaa guul badan oo arrimaha dibeda. Isagoo qaarka mid ah Odayaasha u sheegay inuu isaagu yahay Musharax Balse uu doonaayo inuu isku jebiyo Beesha Sacad Muuse oo uu iskaashi Siyaasadeed ka dhexeeyo in Mudo ah Beesha Madaxweyne siilaanyo iyo wasiir Xirsi ka soo wada-jeedan.
Wasiir Xirsi oo in muddo ah ka maqnaa saxada siyaasadda sidii meesha looga saaray saaxiibkii wasiir samaale, waxa uu guntiga dhiisha iskaga dhigay inuu sameeyo khilaaf kala irdheeya Xukuumadda iyo Xisbigeeda, isagoo awooda saaraaya khal-khal gelinta Musharax-nimada Madaxweyne Siilaanyo, dhawacyada kale, ee uu wasiir Xirsi uu geystay Madaxweynaha waxa ka mid ah, inuu faafiyo siro badan oo halis ku ah sumcada iyo karaamada oday Siilaanyo, waxana uu sameeyey inuu gaar ula kulmo ciidamada Qaranka ee jiida hore fadhiyaa kuwaas oo uu la yeeshay shir gaar ah walow aanay cadeyn sababaha keenay inuu kulan qarsoodiya la yeesho cidamada Qaranka. Isagoon ahayn Wasiirka Gaashan dhiga, Taliyaha Ciidamada Qaranka.
Si kastaba ha ahaatee wasiirka Madaxtooyadda somaliland, ayaa hore uu ahaa sheqsi muddo uu Madaxweyne siilaanyo uu ad-keysanaayey faddeexado kaga imanaayey dhinaca asxaabta Mucaaridka kuwaas oo in badan ku eedeyn jirey inuu awooddi kala wareegay Madaxweynihii la doortay, sidoo kale, waxa uu marar badan qayb ka noqday khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, isagoo wasiir Xirsi doonaayey inuu wax ka bedel ku sameeyo Dastuurka Somaliland, meeshana ka saaro qodobka baneeynaaya inuu Madaxweynuhu hadii uu dhinto aanu ku xigeenku bedelin, balse sifooyin kale, ku yimaado.
Wasiirka Madaxtooyadda oo dadka siyaasadda Somaliland ku xeel-dheeri uu yaqaanaan Wasiir Xadhig-lama sitaan, waxa uu dhowaan Dawladda somaliya uu Gudbiyey waraaq sir ah oo ay Warbaahintu heshay, taas oo ah Khiyaano qaran oo laga galay dalka, waxana uu Madaxweyne siilaanyo haddi uu tallaabo ka qaadi waayo wasiirkiisa noqon doonaa mid taarikh xummo kala taga hoggaaminta dalka. Dhinaca kale, wasiir Xirsi waxa ay shaqadiisu tahay ma yaqaano, waayo waxa uu mar walba galaa waxyaabo ka baxsan hawlaha ay wasaaradda Madaxtooyaddu u ig-man tahay, waxana u ku faana inuu hayo furaha Madaxweynaha isagoo cida uu doona bedela cida uu doonaana magacaaba. Isku soo wada-duubo wasiirka Madaxtooyadda somaliland waxa uu noqon doonaa mid ku tilmaamana inuu khiyaameeyey Madaxweynuhuu la soo doortay oo aaminay, isagoo damac ba’ani kaga jiro kursiga uu ku fadhiyo Siilaanyo. Waxa ‘se layaab leh in aanu Madaxweyne siilaanyo ka qaadin wax talaabo ah isagoo shacabka reer Somaliland ka sugayaan inuu sharciga hor geeyo gutana waaji-baadkiisa shaqo.
W/Q
Cabdi casiis Bashiir Nuur
Tel: 4144434
info@xogreebnews.com
Hargeysa/somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>