Maansada” Diiddey”Abwaan Faarax cali Axmed

Maansada” Diiddey”Abwaan Faarax cali Axmed

Maansada” Diiddey”Abwaan Faarax cali Axmed

Dareenney dareenney
Waxaad deddey soo ur,
Sankaa laba doolle
Xilkaa daba jooga
Halkiisa ku doonan.
Xogtii la daboolley
Dibnaa hadalkoodu
Mar waabay dafaane,
Ileen dibindaabyo
Ku loo direy weeye.
Adoo ayax doola
daraato u yeedhey,
Kob xooluhu daaqo
Ku beerey dugaaga,
Wax deyni ku raacin
Miyaad ridi doobta ?
Ràg waa dudo jooge
Adaa danbarkeeda
Ku maalaya doobi
Dagaala u taagan.
Dabuubta u taala
Ogow dullucdeeda,
Waxaa jira dookhe
Dumaashu xaq maàha,
Waxay tidhi diidey!!!
Inaaney dahaadhan
hadhow dumadaada
Ku doobir xumeysan
Ha duudsiyin xaawa.
Ileen maba dooran!!
Waxay tidhi diidey
Dulqaad yaridiisa,
Marleey daddabtiisa
Ma yaalo durbaane
Waxay tidhi diidey.
Ma la i dirqinaayo
Hadaan calaf deyrin
Jacayl iyo dookhba
Anaa dayanaaya!!.
By faarax cali axmed

Leave a Reply

*