Halka Akhriso Maanso Aad U Qiimo Badan Oo u Abwaanka Caanka Ah Ee Maxamed Galaydh Ku Amaanay Hablaha Soomaaliyeed …

Halka Akhriso Maanso Aad U Qiimo Badan Oo u Abwaanka Caanka Ah Ee Maxamed Galaydh Ku Amaanay Hablaha Soomaaliyeed …

Maansadan jiiftada ahi waxay ka hadlaysaa, Qiimaha haweenka soomaaliyeed” dhaqan ayay U badantahay,ammaanina waa ku dhantahay.

Curinteedana waxaa sabab u ahaa niman ajaaniba oo dhaliilaya, Ayaan arkay hablaha qiimaha badan ee qoomiyaddeenna.

 

………………………………………
Dirirkii sagaaroo,
la caweeyay dayixii,
Ay diboojayaal iyo,
afa-gaale doodaan,
Suhra daadahaysay,
diirsadaan maluugtii,
Saxal naafka diidaan,
inuu dayrka soo galo,
Daydiyo cir-jiidhuna,
dalbadaan malaykoo,
Dar allee daruuruhu,
nagu daahanyiinoo,
Waqal aad u dararoo ,
daydayaan addoomuhu,
Diillintaynu joogniyo,
dalka aannu leenahay ,
Lagu soo dabbaaloo,
Deegaanaddiinnii,
Ka dawaniyo rooboo,
dur-duradu ka boodaan,
Daadkii sabbeeyoo,
shinbiruhu ka duulaan,
Dagiiga’iyo haadduna,
kaymaha dulmarayaan,
Golcasta’iyo deeradu,
Guuxii ka didayaan,
Siiggii ka daranyoo,
jaaxeedhku daba ciyo,
Duul-joogta hodankaa,
u tarisa dugaaggii,
Yaris lagu dareershana,
bahalaha daraaddood,
Looga baqayo’daaqay,
darafyada ka weedhaan,
Ishinkii dayooboo,
dibirada la jiifsado,
Dir-saneey wareegtii,
Laga helaya daawada,
Dambarkiisa maalaan,
inta doobbi lagu galo,
Horraadkiyo danbeedada,
ay laba nin duugaan,
Mayay lagu dabooloo,
diiq-diiqda ciiddii,
Jawiyada dareenka leh,
aad la raacdo daymada,
Dabadeed hor-wayntii,
daajinaayo daba-dhoon,
Oo baar-qab lagu daray,
ka sanqadhiyo dooboo,
Da’yarta’iyo baar-furan,
ku dur-duriyo qooqqii,
Doolaal ka sheemoo,
Ka duwaaya geel kale,
Mid dibbood ahaan jiray,
looga qaxay duleedkii,
Isu dibin-garaacaan,d
Darayada la tiigsado,
Dirqi looga kiciyoo,
gabanadu ku daalaan,
Abaahoodka dayrtii,
roorsanaaya daalays,
Diriyaad fadhiisiyo,
ka ciyaaro doorkii,

 

La daneeya waagaa,
dalagga iyo xoolaha,
Ubadkii dadaalaan,
lagu koriyo diintii,
Darajada hiddahayaga,k
Ku dayanaya aadmigu,
Aan dunida dheernahay,
xeelaha dagaaloo,
Dawladaha shisheeyaa
,naga wada danbeeyaan,
Ubaxii dallaalnnimo,
Lagu duxayo qaansada,
Wabiyada dakkeeyaa ,
Isu daala dhaafaan,
Dihinyoo ugbaadkii,
dharab looga dhigay dadab,
Inta diifta laga baxay,
xidigaha la daawado,
Odayaasha deebta leh,
damalada hadhkoodaa,
Doonyeeya faalada,
ducaddiina dheertahay,
Dunjigeedba culimadu,
Naga reebto deel-qaaf,
Daganaan dhulkeennii,
ka xaroobo duullaan,
Gud-gudaha darooriyo,
gabadhluhu na daashado,
Cimilada dal-xiiskiyo,
aan la noolay daaggii,
Nimacadoo is daba-huwan,
soomaali lagu daday,
Mahad daa’in weeyee,
nagu faano darikii,

 

Dul-maree hablahayaga,
lagu qoro diwaankii,
Dahab lagu hantiyinoo,
ninka ragi damaaciyo,
Haasaawe dabacsani,
naxariis dahaadhoo,
Daadihiya noloshee,
naga reebay daalkooow,
Dagta waaxyahaygiyo,
diir igu lammaanoow,
Daakiraadda oogtii,
mar diraac,la joogoo,
Dabaylaha qayoodkiyo,
duufaanno dhacayaan,
Dumarada dhiggiinnuna,
darmadii ku jiifaan,
Doqonniimo weeyee ,
u dillaaco waagii,
Kuwa diigga kicyee
,noo dar-yeela jiidhkoow,
Dooc caafimaadoo,
Lagu habo damiirkoow,
Dawgii rajada iyo ,
darriiqii samaantoow,
Ililaha dul-qaadkiyo,
nal wanaagga daaroow,
Dokhii jacaylkeen,
cid ku doorsan karinoow,
Dawliilka quruxdaan,
,duugoobin waligii,
U dacwiyo haweenkuna,
diihaal u marayaan,
Kuwa laygu daadshee,
ka dhalaala dabaddoow,
Deeqaan gaar iyo helay,i
Iyo hooyadii dadnimadoow,
Maamadii I dihatiyo
,taan guur u dayayaay,
Daganeey walaashiyo,
nasab ii dirramayaay,
Dugsigii xishoodkeen,
dul-caddaagu gayinoow,
Darbiqii aqoontee,
sharaf lagu dallacayoow,
Dagalada adduunyada,
deelaalka lagu dhaqay,
Ee qaatay dillinnimo,
darxumeeya caarkii,
Doco wada bannaan iyo
,la dakeeya ceebaal,
Inta daray la baal-maro,
la walaaqdo daribaha,
Aad diiqadd raagtiyo,
Ka helayso deebaaq,
Kuwa lagu dawoobee ,
loo dawaafa nuurkoow,
Umadaha dabeeciyo,
duul wada xaruuroow,
Farxad daabaceedoow,
dar imaanku dhaqayoow,

 

Toddobkii diyaafoo
dib u curashadiisii,
Xaadhaaya dogobada,
onkodkii dannaaniyo,
Didibsado hallaacuna,
daran-doorigoodii,
Ka widh-widhiyo,doomaar,
la dal-dalayo maatida,
Dunqulaamay caradii,i
Inta daalo lagu shubay,
Dusayaan barwaaqada
muuqaal dabiiciya,
Midab lagu daraan-daro
aan duunyo lagu helin,
Aragtida daciifkaa,
dabiib looga dhigi karo,
Duwaneey siddiisaa,
qalbiyada ku daahdaan,
Dininaha laf-dhabartiyo
dahrigaa la taallaan,
Dantiinnaa u seegtaan
waxa aannu doonnoo,
Duqayee dhibaatada ,
waa naga dallaysaane,
Ugubaha darmaantiyo,
duuddii xaragadoow,
Alle haydin daayee,
cadawgiin ma daahiro.

 

Waxa Curiyey Alifay Abwaan Maxamed C/laahiMaxamed Galayd

Leave a Reply

*