Maanso  noo sahal allahayow

Maanso noo sahal allahayow

Maanso  noo sahal allahayow

Sideedaba aduunyadu

Waysurima badan too

Seeto lagama waayo

Sakalooyin hoosiyo

Surmi iyo khiyaamiyo

Saafi waxaan ahaynoo

Ku sag saagiyaa jira

Waxaa noo siyaada ah

Sigistogu markuu dhacay

Ilaaa subaxa saaka ah

Waa nala siraaayoo

Sad waxaan uleenahay

Midka noo sareeyoo

Surmo seegto iyo been

Subax noolba  nalahela

Tana waa siloontoo

Saa daashu siday tahay

Sifaheed ma fiicnee

Noo sahal allahayow

Arintu waa sidii hore

Saymaha aduunyadu

Sideetamaad kabadanoo

Waaa waxaan sal guuray

Marna soo dhamaanay

Wakhti lagu sar gooyiyo

Sanad aan lahaynoo

 Soojireen ahaaayo

Saaca waliba waa kow

Waxaa noo siyaada ah

Midka aan sarayn iyo

Sumcad iyo wanaa iyo

Siway ugu ducaynee

Saaxiib walaal iyo

Sokeeyaha kadhiganeee

Gacmo saydhan iyo farax

Sadriga iyo laabti iyo

Sacab ku soo dhawaynaaa

Sinjilaawe weeyaan

Sariigadu ka maqan tahay

Tan way siloon too

Saadaashu siday tahay

Sifa heed mafiicnee

Noo sahal allahyow

Waa sidii hore ah

Waxaaw sifeeya ad miga

Sax iyo khalad wax soo maray

 Taariikh da socotee

Ku slaysan noloshee

Marna soo dha maanay

Saqiirnimo wixii dhacay

Saban hore wixii tagay

Iyo subaxa saaka ah

Iyo saa dambeda iman

Iyada sargaysoo

Aan sikimo dhaafayn

Sahan xumo midkii rara

Maatada saboolka ah

Sabadeedu holocdee

Silica iyo duligu dillay

 Sidii calan ka loo helay

Marna aan sal dhigi hayn

Taariikhdu way sugi

Tana waa siloontoo

Saadaashu siday tahay

Sifaheed mafiicnee

Noo salahal allahayow

Arin tu waa sidi hore

Saxan saxo udgoonoo

Saadaasha rooboo.

Mayay soodhawaynoo

Soo maraysa meelay

Sulufaad abaareed

Saymaheed ku reebtoo

Jiilaanshin dilayooo

Lo,dii  laga saqaafooo

Adhi laga sabool yahay

Geel na uu sad yari hadhay

Sida loo nayaaayiro

Somaaalilandtii

Toban iyo siddeed may

Subax qudha  wac sootidhi

Ma saqiirnimay wali

Socodka aanay karihayn

Tana waa siloon too

Saadaashu siday tahay

Sifaheed ma fiicnee 

Noo sahal allahayow

 Arintu waa sidii hore

Sida saarka dhirta kora

Ee aan salyeelo

Lasin now dhirtaadoo

Suurad lagu yaqaaniyo

Silagugu aqoon sado

Sifaheeda yeeloo

Kasoocnow in taaa kale

Salka dhulka ku mudo garan

Somalilandtuna

Koon furuun u sugaysaa

Ugu sacabo tumaysaa

U saadaalinaysaa

 Soo dhawoow uleedahay

Ugu suuqan tahayoo

Sakal labaad usugaysaa

Hohe arintu saytahay

Tana waa siloontoo 

Saadaashu siday tahay

Sifaheed mafiicnee

Noo sahal allahayow

Arintu waa sidii hore ah

Dadkaygani siloonaa

Xusuustoodu saytahay

Marna miyaanay suurayn

Sidii xaal ahaan jiray

Siqiirkuna mayeeleen

Sida ay dan moodaan

Subax noolba yeelaan

Mee sideetanaadkii

Soofkii layska qaadee

Lays wada sarjarayeee

Sowjadii ilmaha dhalay

Timihii laga salaaxee

Seexan waaga lays qoray

Saf safkii laxidhi jiray

Lagasooray haadkii iyo

Silic wareenkii

Tana waa siloontoo

Saadashu siday tahay

Sifaheed mafiicnee

Noo sahal allayow

Arin tu waa sidii  hore   

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

*