Maansadii la magac baxday ,XUSUUS waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Rooble Xirsi(Sandoon

Maansadii la magac baxday ,XUSUUS waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Rooble Xirsi(Sandoon

Maansadii la magac baxday ,XUSUUS waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Rooble Xirsi(Sandoon

 

 

Waxa uu halkan Abwaanku kaga waramayaa,waagii dalka Somaliland lagu soo noqday,ahaydna xilligii 1991,siyaaro iyo booqasho uu ku tagay, gurigii loo yaqaanay Fooqa jajabka ee ku yaalay ,dooxa wayn ee Hargeysa dacalkiisa Waqooyi ; waxa uu abwaanku sida maansadiisa ka muuqata uu goobta ku arkay , raggii halgankii dalka loosoo maray ku naafoobay oo goobtaasi yaalla.

Waxa uu labadiisa indhood uu saaray , iyagoo meel dooxa qarkiisa ah, hangar weyn oo ku yaala jiif-jiifa, wuxuu ahaa muqaal aad looga naxo,aadna u niyad jabiyay Abwaanka,kuwaasi oo aan haba yaraatee aan haysan wax daryeel ah .

Aragtidii naxdinta lahayd ee uu Abwaanku wakhtigaasi arkay waxa ay ka keentay in uu tiriyo maanso la magac baxday XUSUUS, taasi oo uu ku tibaaxaayo,dayacii iyo darxumadii xiligaasi ka muuqatay Mujahidiinta.

Inkaastoo ilaa maantadan lafteeda la odhan karo, malaha ragii wakhtigaasi dalka usoo dhintay dadkii ay ka tageen iyo kuwii iyana usoo naafoobay ,qaar badan oo ka midii ,wali mayhelin,daryeelkii iyo xanaanadii ay uga baahnayeen dawladnimadii iyo calankii ay dhiigooda ku dhaliyeen.

Maansadan aadka u qiirada badan waxaa tiri yahy Abwaankeena wayn ee
Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

Taas awadeed ayaa ilaa hadda aynu odhan karaynaa, waa mid jirta waxa ay maansadani ka hadlaysaa,iyada oo taagnaandoonta, ilaa inta ay helayaan xaqii iyo xuquuqdii ay ku lahayeen Qarankii ay u dhinteen una dhawacmeen.

Waxaa uu yidhi :-

  • Jirrab nolosha waa loo maraa
  • Belo usoo jooge.
  • Jaallihii markuu ina jaree
  • Dilayey jaandheerta.
  • Ninkii juuq yidhaahdaba markii
  • Jeelka lagu tuuray.
  • Jidh-dilkiyo naftoo layska jaro
  • Jiidashada Maydka.
  • Jumladaa xabaalaa markay
  • Cagaf ku jiidaysay.
  • Dhabar jabinta iyo ciidankii
  • Laga jalaadaayey.
  • Jananadi tadhahay wiilashii
  • Jiifka uga dhaartay.
  • Jarmaadaa aroortii raggii
  • Jeelasha u daatay.
  • Raggii jariyo buuraa jafee
  • Raadka daba joogey
  • Raggii shalay jidiinkoo qalalan
  • Wada jibboonaayey
  • Jiiftaanka daalka-leh raggii
  • Weerar kala jiidey.
  • Raggii aan dagaal laysku jaray
  • Dib uga soo jeesan.
  • Raggii calanka soo joojiyee
  • Faqash kasoo jiidey.
  • Jiritaanka Somaliland
  • Bay u jabayeene.
  • Jalka kama helaan nationkay
  • Dhamac u jiidheene.
  • Intii aan jihaadkii ku dhiman
  • Nolol wixii jooga.
  • Jajabkii ka hadhay baan arkoon
  • Cidi jalleecayne.
  • Togga-Herer badhbaa jooga oo
  • Dooxa jiifsada’e-
  • Waaxyaha kuwii laga jaraa
  • Jiitankii qaba’e.
  • Raggii jiibka lala beegsaduu
  • Jeexay bedenkooda.
  • Jeeraradii baa ku taal
  • Jiidhay berigiiye.
  • Jeenyaha raggii laga jaraan
  • Cidi u juuqayNe.
  • Araggaad kasii jeesataa
  • Jimidh yaraantoode.
  • Jabaqdiyo jugtii weli madfaca
  • May xusuus jarine.
  • Jirrab haysta awgii ayey
  • Weli jibaadaane.
  • Yaa ka jeebi xabadii ragbay
  • Weli dhex jiifaane.

Maansadan aadka u qiirada badan waxaa tiri yahy Abwaankeena wayn ee

Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

Leave a Reply

*