Somaliland-Itoobiya: Colaaddii Isu Bedeshay Walaalnimada; Q-2aad, Mawlid Ali-dhure

Somaliland-Itoobiya: Colaaddii Isu Bedeshay Walaalnimada; Q-2aad, Mawlid Ali-dhure

Somaliland-Itoobiya: Colaaddii Isu Bedeshay Walaalnimada; Q-2aad, Mawlid Ali-dhure

 

Sidee Ku Yimid Xidhiidhka Walaalnimo Ee Somaliland-Itoobiya
“Warqadda fasaxa dal gal-ka (Visa) markii aanu ka qaadanaynay safaaradda Itoobiya ee London, waxa dareenkayagu ahaa mid xiiso gaar ah leh: (B) waa mar eh dadkeenna iyo jaarkeenna Itoobiya waxa ka dhexaysay colaad guun ah oo uu abuuray gumaysigii reer Yurub; (T) waa laba eh waxa raadkiisu qoyana dagaalkii 1977-78 ee labada dal dhexmaray, aniga iyo Axmedna(Axmed Siilaanyo) aanu wakhtigaa wasiirro ka ahayn..”Ibraahin Maygaag
Erayga diblamaasiyadda iyo xadaaradda xambaarsan ee ‘ Walaalaheen Itoobiya’ oo dawladda Somaliland iyo dadkeedu isticmaalan waxa jira dad xasaasiyad ka qaada kuna caarooda xidhiidhka togan ee Somaliland iyo Itoobiya. waxay la soo boodayaan erayga ah ‘Itoobiya waa cadawgeena koobaad’ hase ahaatee waxa muuqata in Somaliland iyo Itoobiya abuureen jawi ka duwan kii hore ee colaadda oo walaalnimo, wax wada qabsi iyo saaxiibtinimo lagu wada nool yahay.
Ummadda Somaliland markii ay ku lu’goday israacii Soomaaliya ee 1960 waxa 1900 iyo sideetamaadkii bilaamay abaabulka halgan hubaysan oo ay wadeen dadkii gudaha iyo dibada oo u arkay in ay lama huraan tahay dagaal lala galo Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre. Waxa halgankaas fadhiisin looga dhigay Itoobiya. Bulshada Somaliland iyo dalka Itoobiya waxa walaalaysay dan laba geesood ah waxaanay Itoobiya marti galisay halgankii hubaysna iyo qaxoontigii ka cararayay xasuuqii nidaamka Siyaad Barre, abaalkaasi waa mid ilaa hadda Itoobiyaanku ugu manno sheegtan Somaliland.




Haddaba arrintaasi sidee bay u bedeshay xidhiidhkii cunfiga iyo colaadda ku dhisnaa ee Somaliland ama Soomaalida iyo Itoobiya u dhexeeyay? Alle ha u naxariistee Prof Ibraahim Maygaag Samatar oo ahaa siyaasi xeel dheer, dhaqaale yahan iyo halgamaa SNM ah, dhambaal uu 2005 qoray oo lagu daabacay buugga ‘Milicsiga Dagaalkii Dhexmaray Xukumaddii Maxamed S. Barre Iyo Jabhaddii SNM(1988-1991)’ wuxuu si xirfad iyo xeel-dheeri leh ugu sharraxay halkii ay iska bedeshay giraanta colaadda una wareegtay xidhiidhka toggan ee Somaliland iyo Itoobiya. Marxuum Ibraahin Maygaag wuxuu wasiirka maaliyadda ka ahaa nidaamkii Siyaad Barre oo uu ka tirsana xilliyadii dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya kadibna waxa uu ka mid noqday haldoorkii SNM.

 Halkan   ka Akhriso Qaybtii  1aad  ee Maqaalkan

Somaliland-Itoobiya: Colaaddii Isu Bedeshay Walaalnimada; Qalinka Mawlid Ali-dhure

Waxa uu sheegay in xilli ay socotay qabanqaabada shir SNM Itoobiya ku qabsatay 1984 isaga oo madax ka ahaa faracii SNM ee Maraykanka iyo Kanada iyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo faraca London madax ka ah ay isu soo raaceen shirka SNM laakiin, ay dareen gaar ah lahayd markii ay fasaxa dal ku galka waydiisanayeen safaaradda Itoobiya ee London waxaanu sidan u sharraxay waxyaabaha ku xeerna “Warqadda fasaxa dal galka (Visa) markii aanu ka qaadanaynay safaaradda Itoobiya ee London, waxa dareenkayagu ahaa mid xiiso gaar ah leh: (A) waa mar eh dadkeenna iyo jaarkeenna Itoobiya waxa ka dhexaysay colaad guun ah oo uu abuuray gumaysigii reer Yurub; (B) waa laba eh waxa raadkiisu qoyana dagaalkii 1977-78 ee labada dal dhexmaray, aniga iyo Axmedna(Axmed Siilaanyo) aanu wakhtigaa wasiirro ka ahayn dawladdii Soomaaliyeed; (C) Isla markii haddana halganka aanu xubno iyo madaxba ka ahayn waa ka go’aan ku gaadhay in ay lama huraan tahay in Itoobiya la tago, iyana dan kastaba ha lahaatee waa ta gacmo furan inagu soo dhawaysay,” Sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi Prof Ibraahin Maygaag.
Waxa uu intaas sii raaciyay in ay halkaas ahayd meesha uu iska bedelay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya xilligan ku naaloonayaan “Halkaa waxa ka iftiimiyay bildhaan dariiq cusub oo uu mari doono xidhiidhka labada dal iyo labada ummadood. Wakhtigaa isaga ah wax duugga taariikhdu noqon doono cid sii garanaysay ma jirin. Waayo? Bani’aadmigu mustaqbalka, male mooyee hubaal uma sheegi karo. Marxaladda la joogo talada kula toosan baa lagu dhaqaaqa, duco lagu daraa, rajona aan laga quusan. Xidhiidhka halganka iyo Itoobiya waxa uu sahlay ka guulaysiga taliskii Siyaad Barre, wuxuuna gundhig u noqday xidhiidhka fiican ee maanta dhex yaalla iyada(Itoobiya) iyo Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Prof Ibraahin Samatar oo tilmaamay in ay gacan uur ku jirta noqonayso waxa uu ku dambeyn doono xidhiidhka Soomaaliyada koonfureed ee qasan iyo Itoobiya.




Isbedellada dhacay waxa ka mid ah wixii la odhan jiray Soomaali Galbeed oo noqday Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waa Soomaali ku sii siqaysa 6 milyan oo wax la qabsaday Itoobiya kuna faraxsan in ay wax la qaybsadaan shucuubta Itoobiya. Sidoo kale Soomaalida waqooyi bari Kenya oo ku dhaw 2.5 Milyan oo iyaguna dhinac ka raacay dalka Kenya. Jabuuti iyo Somaliland oo aayahooda ka tashaday kana hadhay riyadii Soomaali weyn. Arrimahani waxay soo afjarayaan colaaddii u dhexaysay Xabashida iyo arlada Soomaalidu degto inteeda badan, marka laga reebo Soomaaliya oo haatan ah intii Talyaanigu gumaystay oo wali shaki ku kala dhex jiro dalalka dariska ee Itoobiya ka mid tahay maaddaama ay wali sitaan calanka buluugga ah ee xiddigta 5-ta Soomaaliyeed u taaggan ku xardhan tahay, wali ma cadda xidhiidhkda Soomaaliya iyo Itoobiya lamana is aamminsana, waxay se u badan tahay in ay raaci doonan dariiqa Soomaali intii badnayd martay ee lagaga koray colaaddii sanadaha badan taagnayd.
Bishii May ee sanadkii 2016 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle; waxa xafladda ka dhacay wax bulshada Somaliland u aragtay bahdilaad lagula kacay Madaxweynaha Somaliland kadib markii Madaxweynaha la fadhiisiyay safka u horeeya ee xafladda oo Madaxda Maamullada Soomaaliya iyo Madaxdhaqameed fadhiday. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh, Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir iyo madax kale ayaa Madaxweynaha Somaliland si ula kac ah u dhaafay isagoo ka mid ah dadkii soo dhawaynayay madaxda laakiin, Ra’isal wasaaraha Itoobiya Xaylamaryam Dheselayn ayaa Madaxweynaha ku soo leexday una salaamay si xushmad leh waxaanay muujisay farqiga u dhexeeyay Madaxda dalalka dariska ee shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxay arrintaasi bulshada Somaliland tustay sida Itoobiya iyo Somaliland isu tixgeliyaan iyadoo dalal isir ahaan ka dhaw aanay sidaas uga kasban Ixtiraam.

 

Somaliland-Itoobiya: Colaaddii Isu Bedeshay Walaalnimada; Qalinka Mawlid Ali-dhure

 Halkan ka Akhriso, Qaybtii Hore  Maqaalkan—
“Dhibaatadii dagaallada Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku dhici jirtay Somaliland. 1988 markii la xasuuqayay waxay u carareen Itoobiya oo ay ku badbaadeen, waxaanay Itoobiya noqon wayday cadawgii loo sheegi jiray. Dadka reer Somaliland waxay wakhtiga iyo sooyaalka ka barteen in colaaddii Soomaalida iyo itoobiya ahayd Man Made(Mid dad abuuray) oo shisheeye soo maleegi jiray madaxda Soomaaliduna fulin jirtay. Shacabka Somaliland waxay arkeen ama dhadhamiyeen(Iyada oo aan cidna u sheegin ayay dareemeen daryeelka iyo soo dhawaynta Itoobiya) faa’iidada ku jirta xidhiidh wanaagsan oo Somaliland la yeelato Itoobiya. Waxay yaqiinsadeen in aanay iyagu dammiin ka ahayn Soomaalida degta Kenya, Itoobiya ama Jabuuti oo masiirkoodu yahay wax iyaga u yaalla sidaas awgeedna aanay ku colloobayn waddamada jaarka,” Sidaas waxa yidhi Cabdiraxmaan Cadami.
Gabogabo: Colaadda Soomaalida iyo Itoobiya xilligan Soomaalidu kuma midaysna xattaa haddii xidhiidhkii xajiinta laha ku sii hadhsan yahay Koonfurta, Somaliland waxay tixgelin ka haysata Itoobiya oo xidhiidh fiican ka dhexeeyo, islamarkaana iskaashi saaxiibtinimo iyo walaalnimo oo dhinacyada isu socodka, ganacsiga iyo amniga ah u dhexeeyo. Waa marinka Somaliland ka gasho dunida inteeda kale, Itoobiyana waxay ku qabta Somaliland dan iyo damaanad dhinaca amniga iyo ganacsiga ah maaddaama xuduud dheer ka dhexeyso. Xidhiidhku waxa uu hadda u sii koray dhinaca ganacsiga oo waxa Itoobiya laga dhawraya in ay noqoto macmiil si weyn u isticmaala dekedda Berbera oo laga siiyay 19% maamulkeeda iyo dakhligeeda si labada dal isugu furmaan dhinaca ganacsiga. Dadka wali ku dhegan ‘Itoobiya ayaa cadaw ku ah Soomaalida’ waxay ila tahay in ay ku baraarugi doonan in ay dhammaadeen arrimihii la isku hayay meeshana baxeen fikirkii Soomaali weyn iyo asbaabihii la isku haystay, wixii hadhayna yihiin danaha caadiga ah ee dalalka dariska ah oo dhan ka dhexeeya.
Mawliid Cali-dhure, Saxafi, waxna ka bartay Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamigaa; Mawliid2014@gmail.com /facebook.com/saki2017/twitter.com/SakiCali

Leave a Reply

*