Wacdarihii 1988, iyo Waayihii La xidhiidhay.

Wacdarihii 1988, iyo Waayihii La xidhiidhay.

W.Q: M. Haaruun – May 31, 2017

Walee weerarkaan galo;
Waaxyo badani way go’I;
Walee wiilall badaniyo;
Way is waayi gacalkood! M. Mooge.

Maalmahan oo kale marka ay bisha May dhamaadka ku dhawdahay, waxa laga sheekeeyaa dagaaladii 1988 ka dhacay magaalooyinka iyo tuulayaasha goboladii la odhan jiray Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Waagaas wixii dhacay ma uu ahayn wax taariikhaha Soomaalida ee ilaa haatan la ogyahay soo maray. Sidaas darted, waxa ay tahay aniga malahayga, in si wacan, oo bilaa caadifad ah wax looga qoro waxa dhacay, sababta ay u dhaceen, iyo duruusta ay tahay in laga barto intaba, taasina ilaa hadda ma dhicin. Anigu SNM ta waa la sheekaystay kuwo badan oo ka mid ah odayaashooda, waxa aanan waydiiyay su’aalo dhawr ah, kuwaas oo walina jawaabtoodii aan goobaayo. Su’aalahaas waxa tiir dhexaad u ah middan: dagalada ay SNM gashay, ujeedka u dambeeyay ee laga lahaa maxaa uu ahaa? Jawaabo isku mid ah la ima siinin, waana kobtaas halka ay dhaliil badani fadhidaa.

Xassan Guure Jaamac, oo ka mid ah dadkii aan baabkan kala sheekaystay, ayaa qiso yaab keeda leh ii sheegay. Waxa uu igu yidhi – kolkii aan Hargeysa soo galnay, ee dagaalku meesha u kulul maraayay, oo maatidu harerraha u kala qaxday, anaka oo waqooyiga Hargeysa (Biya-shiinaha) joogna oo saddex ah, (Xassan Guure, C/raxmaan Aw Cali, iyo Maxamed Xaashi), oo geed hoostii fadhina, ayaa ciidankii jabhadda koox ka mid ahi noo keeneen dhawr nin oo wariyayaal ajnabi ah oo ay wadaan, oo Djibouti ka yimid. Nimankii waa nala sheekaysteen, su’aalihii ay na waydiiyeen midda u horaysay na waxa ay ahayd tan aad imika I su’aashay -– ujeedada kama dambaysta ah ee dagaalkan haatan socda ay SNM ka leedahay maxaa ay tahay? Xassan Guure waxa uu igu yidhi, “Saddexdayadii waxxa aanu su’aashii ka bixinay saddex jawaabood oo kala duwan.” Kolkaa waxa aan Xassan ku idhi, dee taasi waa ninba sida ay la ahayd ee ma aha mawqif urur. Marka waxa uu igu yidhi, “Wax cayiman oo la isla meel dhigay, oo aan ka ahayn aynu dagaalanno ma jirin.” Si kastaba, runtu waxa ay tahay, SNM mabaadiida u qoran waxa ka mid ahayd saddex shay, noolaynta cadliga, dib u soo celinta dimuquraadiyada, iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Kuwaasi waa hal-ku-dheggii siyaasadeed ee waraaqaha ku qornaa, laakiin SNM in ay doonaysay in ay Afwayne xukunka kala wareegto, in ay isaga xukunka la qaybsanaysay hadii uu gorgortan ogolaaddo, in ay goboladii waagaas Waqooyi la odhan jiray, ee SNM laga taageersanaa uun Afwayne ka saaraysay, iwm marnaba la islama meel dhigin, goosasho na hal maalin la islama soo qaadin.

Wacdarihii 1988, iyo Waayihii La xidhiidhay./ SNM

Si kastaba, dhawr qoral dawladeed (declassified documents) oo aan akhriyay, oo Wasaaradda khaarajiga Itoobiyaanku leedahay, oo uu soo ban dhigay taariikh qore Itoobiyaan ah, Mr. Belete Belachew Yihuna, (Ethiopian foreign policy and the Ogaden War: the shift from “containment” to “destabilization,” 1977 to 1991, iyo buuggiisa Black Ethiopia: A Glimpse into African Diplomacy, 1956 to 1991, cutubkiisa labaad, Unending Conflict with Somalia), waxa ay tilmaamayaan tafsiir xoog uga gedisan midka aynu inaku ku sheekaysano. Kolka uu Maxamed Mooge ku heesaayay tuducyada kor ku xusan, run ahaan ma jirto hadal kaas ka kooban, oo hadana ka sheegi og wixii dhacaayay, waana la wada qiiroon jiray. Haa, waa la wada qiiroon jiray kolka la maqlo, wiilal badan, oo labada dhinac ba leh, iyo ehelkkood na waa is waayeen oo waa la hubaa, laakiin su’aalo badan oo aan jawaab loo haynin baa soo hadhay. Maxaa wiilasha loo waayay? Yaa ficlan danta ama muraadka ugu wayn ka lahaa wiilashan dhimanaayay? Natiijadii wiilashaas badan ee la waayay maxay noqotay? Maxaa ay SNM tu laba jabhadood oo is haysta u ahayd ilaa ay saaxadda ba ka baxeen? Waa su’aalahaas iyo kuwa la hal maala waydiimaha aan leeyahay si aan caadifadaysnayn, oo taariikhda wax ku kordhisa ha looga jawaab-celiyo.

Al-muhim, natiijadu saddexdan qodob ee soo socda ayaa ay ku urursantahay aniga sida ay ila tahay: Siyaad Barre doqon baa uu ahaa, xukun-jacayl iyo macangagnimo uu u dhashay, ama Soomaalinimadu ugu wacnayd awgeed na, waxa uu abuuray duruuf loo baahday in gacan la isula tago, ilaa uu dabku aqalkiisa soo galaayay, oo wax kastaa isla bes-beeleen na, waa diiday in xal la helo. Kolkaa isaga doqon raqam waaxid qor. qolyihii dagaalada abaabulay, oo SNM na ka mid ahayd, qorshe qeexan iyo arragti fog ma lahayn. Xataa umaddii ay dagaalka u hor seedeen, iyaka oo waxa ay dagaalka ka rabaan xataa aan isla meel dhigin, kama xishoonin ee markii 1991 uu Afwayne tegay, umad qaxday, oo burburtay ayaa ay ku dul dirireen. Sababtaas weeyaan midda Cigaal loogu baahday, iyakana buulka loogu xereeyay, kolkaa iyakana doqomo kale ka soo qaad. Raggii dhalinyarada u badnaa, oo aan u arko in ay ahaayeen geesiyaal naf-hur sameeyay, laakiin geesiyaal iska dhintay uun ah, oo aan xataa tiradooda, magacdooda iyo meelihii ay ku dhinteen toona cid haysaa jirin, iyaka wax aan duco ahayn oo igala gudbooni ma jiro. Su’aasha se soo hadhaysa, ee aan marnaba tegayni waxa ay tahay, wixii dhacayba dhacye maxaa maanta nala gudboon? Wax nala gudboon, oo aan ka ahayn laba qodob ma arko – taariikhdan ha la darso, wax na ha laga barto, iyo aan dhiidhiga ka baxno. Hadalku waa midhkaas. Raqba waa rageedii, saw xaalku kuma roona.

Halkan    Ka Akhriso Maqaal  kale oo  Amuurtan Laxidhiidha
W.Q: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

*