Maxaa ka qaldan siyaasada arimaha dibada ee Somaliland shalay iyo maantaba?

Maxaa ka qaldan siyaasada arimaha dibada ee Somaliland shalay iyo maantaba?

Warsan iyo weedhsan akhyaareey idil ahaantiinba , waxaynu qormadan kooban ku eegi doonaa suaasha ah maxaa ka qaldan  siyaasada arimaha dibada ee Somaliland?  inagoo sidoo kale raad raacidoona mawaaqiftii kala duwanayd ee Siyaasada arimaha dibada ee Somaliland iyo midhihii ay ka guratayba. Waxaynu kaloo eegaynaa waqtigan isaga ah iyo siyaasadeeda arimaha dibada iyo iliiladaha laga waraabiyoba.Waxaynu dul istaagi mawqifkeeda hada ee ay ka qaadatay qalaalasaha ka taagan wadamada gacanka Gacanka Carbeed .

Suaalaha la iska waydiin karo mawqifka Somaliland ee siyaasadeeda arimaha dibada
Waxaynu dhawaan ku war helnay dhamaanteen Somaliland oo mawqifkay iska   istaagtay khilaafka ka dhex aloosan wadamada Gacanka Carbeed mawqifkaas oo ah mid aad baraha bulshada looga dooday waxayna is waydiintu tahay:

1-Miisaan intee leeg bay Somaliland ku leedahay saaxada garoomada lagu dheelo siyaasadaha dunida ?
2-Maxay yeeli kartaa ciday ka safato ? Maxayse ku soo kordhin kartaa ciday la safato?
3-Waqtigan isaga ah Somaliland ma waxay u baahantahay Siyaasad dheeli tiran mise waxay u baahantahay siyaasad dhan u janjeedha?
4-Maxaa haga siyaasada Somaliland? Ma maraakis dhacdooyinka dunida ka aloosan lagu daraaseeyo(Think Tank) oo quudiya goaanka Wasaarada arimaha dibada ayaa jira mise goaankeenaba  waxaa gooya hadba cida kursiga arimaha dibada ku fadhida ?
5-Intee in leegbuu goaankan ay qaadatay Somaliland u adeegayaa masaalixdeeda qaran?
6-Ma yahay goaan isha laga saaray oo wax la waydaarsanaayo mise waa mid ku salaysan ana waa ikan mise waaba la inoo dhiibay?
7-Ma waxaynu u baahanahay saaxiibo badan mise cadaw badan?

Suaalaha iyo kuwo kaloo badan oo aynaan soo koobi karinba waa kuwo meesha ku jira oo la is waydiin karo hase ahaatee badi waa kuwo aan jawaab loo hayn , waxaynu se qormadan isku dayi doonaa wixii aynu awoodno inaynu ku falaynqayn karno jawaab u helida suaalahan kor ku xusan.

Siyaasada arimaha dibada ee umadkasta iyo waxay u adeegto.

Waxaa jirta inay umad kastaa si gaara u micnaysato waxay uga dhigantahay siyaasadeeda arimaha dibada iyadoo ku salaynaysa danaheeda qawmiga ah iyo mafaahiimteeda nololeed. Siduu Maraykan u qeexo siyaasadiisa arimaha dibada uma qeexdo China hase ahaatee waxaa jira waxyaalo aasaas u ah oo ay ka duulaan umaduhu markay  timaado xidhiidhka ay la yeelanayaan umad kale oo ay ugu horeyso waxay ugu yeedhan ( National Interst and National Security) oo ah danahooga qawmiga ah iyo amaankooda.

Sida loo  kariyo siyaasada arimaha dibada ee dunida horumartay iyo inagu kala fogaa.

Sidaynu la wada socono goaamada dawladuhu waa mid ku salaysan dan iyo masaalix sidaa darteed  waxaa aad isha looga saaraa intaanu goaanku dibada usoo bixin waxaa laga eegaa dhankasta iyadoo ay khubarada ku tasustay ay daraaseeyaan arinkaa kolkaas hor yaala. Waxaa ka reeban badi inuu goaanada la xidhiidha arimaha dibada caadifada  waxaa danta umada soo raacaa waa mabaadida umaduhu isku hayaan oo waxaa dhici karta umad aanay dani idinka dhaxayn inuu mabda´ idinka dhaxeeyo.

Waqtigan casriga ahna waxay aad u adeegsadaan oo quudiya siyaasadaha umadaha horumarka sheegta waxay ugu yeedhaan (Think-Tank) oo ah Policy Institute ama Reseach Institute  waana maraakis lagu kariyo siyaasadaha umad kastaa leedahay sidoo kalena waa maraakis lagu falanqeeyo dhacdooyinka ka aloosan dunida waxaana ka mida  Chatham House ,Brookings Institute,Counsel of foriegn relationship, Centre for strategic and International studies  iyo kuwo kaloo badan .

Waxaa la tilmaamaa inay maraakistaasi yihiin kuwa ugu saamaynta badan ee saameeya siyaasdaha wadamadooda , waxay la sheeqeeyaan maraakistani wasaaradaha kala duwan iyagoo u adeegaaya danta umadooda. Marka ay wasaarada arimaha dibada ee Germany tusaale ahaan dani ka soo gasho Somaliland waxay talo bixin waydiisanaysaa khubarada markaasitan wax daraasaysa kuwaasi waxay shiilayaan waxa dan iyo masaalix ugu jira iyo goaanka ku haboon ee ay tahay inay xukuumadoodu ka qaadato sidaas darteed dhibka ina haysta inaga wuxuu yahay  ma jiraan maraakistaas iyo cid si xora u falayn qaysa dhacdooyinka dunida waxaana badi siyaasadaheena hagaa waa shakhsiyaad aan haysan maraakis waraabiya oo ay ka xog iyo taloba qaataan.

Taariikhda mawaaqiftii kala duwanaa ee ay Somaliland hore u qaadatay ee la xidhiidhay arimaha dibada.
Tan iyo sagaashamaadkii intii ay soo jirtay Somaliland hadba itaalkeedu ha leekaado waxay marar badan isku dayday inay xidhiidh la yeelato wadamo badan halka ay mararka qaar isku dayday inay goaan ka qaadato dhacdooyin ka aloosnaa hareeraheeda.

Somaliya 
Tusaale ahaan hadaynu soo qaadano waxay Somaliland  istiraatiijiyad ka yeelatay dalkii ay hore wax u wadaagi jireen ee Somaliya  Istiraatiijiyadaas oo ku salaysnayd inaan wax xidhiidhaba lala samayn  wax kastoo ka socda Somaliyana faraha lagala baxo ilaa inta laga helaayo dawlad matasha dalkaas oo lagala hadli karo qadiyada Somaliland  . Waxay suaashu tahay goaankaasi ma ahaa mid lafaha laga guray oo dhan kasta laga eegay dhib iyo dheefba ? Mise wuxuu ahaa mid ku salaysan caadifad?

Miyaanay jirin aragti kale oo ay qabeen madaxdii SNM sida Ibrahim Maygaag Samater oo ahayd inaan Somaliya arimaheeda faraha lagala bixin sidoo kale joobjoog lala ahaado meelkasta oo arimaha Somaliya lagaga wada hadlaayo maadaama danteenii ku xidhan tahay oo cidaynu ka goaynaa ay tahay Somaliya waxaa inagu waa jiba inaynu ka shaqayno nabadooda iyo sidii ay dawlad u samaysan lahaayeen si aynu u helno cid aynu kala hadalno danheena.

27 sano ka dib Somaliland ma iswaydiisay midhiihii uga dhashay istiraatiijiyadii ay ka qaadatay Somaliya ? Maxaynu u yeelan waynay Checking system aynu ku eegayno kolba heerbeega siyaasadaheena aynu raacno maxaynu ku saxsanayn maxaynu se ku qaldanayn mawaaqiftii siyaasiga ahayd ee aynu qaadanay? ilaa hada wax sidaa ufikiraaya kama muuqdaan maamuladeena wax wixii qaldamay sixi kara ama wixii lagu saxsanaa boodhka ka tumi karna. mawaaqifteena Soomaaliya ku aadana waa kuwo aan midho dhal lahayn haboona inaynu dib u eegno siyaasadaheena ku waajahan Somaliya.

Itoobiya
Wadanka Itoobiya saamayntiisa uu inagu leeyahay aynu ka wada war qabno hadana waxay suashu tahay ma dajisantahay wax qorshe ah oo aynu ka dhiganay xidhiidhkeena Itoobiya? Maxaynu dhib iyo dheef ku qabnaa itoobiya ? Maxaynu uga faaiidaysankarnaa xidhiidhkeenaa ? Maxaa khatara ee inooga iman kara xidhiidhkeeda ? xidhiidhkeena ganacsi maxaynu ka iibgayn karnaa suuqeeda balaadhan? boqolaal suaalood oo furan baa jira se si aanay inoola sii dheeraan waxay u muuqataa iyana inaanu qorshe jirin .

Sida uu Ina Xaashi marar badan tilmaamay waxaynu ku badalanaa ma jirto lacagta tirada badan ee Itoobiya inaga aada ee aynu ku soo iibsano qaadku  waxaa uu tilmaamay inaynaan waxba u iibgayn suuqa itoobiya ee 80 milyan ah milixna ha ahaatee .Dhinaca goaanadeena siyaasi ee ku aadan Itoobiya waxaaba jirtay inuu madaxweynihii hore ee Cigaal u soo jeediyey  Meles  ka mid noqoshada midaw inaga iyo Itoobiya ina dhex mara sida uu prof. Gees qoraalo badan inoogu iftiimiyey (Dharaaro Xusuustood)    iyada lafteeda waxa la is waydiin karaa ma wuxuu ahaa qorshahaas cigaal ku soo bandhhigay arinkaasi mid isaga u gaara mise mid  caqliga umadu falanqeeyey ? Mise wuxuu ahaa miduu Carab ku dhafoor taabanaayey? si kastaba tan iyo waagaa waxay u muuqataa inay Somaliland goaanadeeda siyaasi ay yihiin mid ay qaataan shakhsiyaad ee aanay ahayn mid  maraakis lagu kariyo oo la bisleeyo.

Hadal iyo dhamaan istiraatiijiyadeena ku aadan Itoobiya iyana waa midaan ku salaysnayn daraasado mugdheer oo dhankasta laga eegay haday tahay xidhidhkeena ganacsi iyo dhibaatada maandoriyaha qaadku ku hayo dadkeena oo aan ila hada laga hadal Itoobiya sida Hadaan la joojin karin xadiditaankiisa, xiliyada la keenaayo, hubinta fayo qabkiisa . Gunta iyo gebogebada inaga iyo Itoobiya waxay tahay hadii aynu Soomaaliya ka gonay yeynaan madaxmadax ugu dhicin shoolada Itoobiya ee waa in dhankasta laga daraaseeyaa.

Israaiil
Waxaynu xusi karnaa mawaaqiftii kale ee Somaliland hore uqaadatay inay ugu caansanayd dhambaalkii uu Cigaal u diray rasiisal wasaarihii Yuhuuda ee Rabin dhanbaalkaas oo warbaahintu nugul ka mida hesha ka dibna ku faafay dunida kaas nuxurka dhambaalkaas oo Cigaal arimo badan kaga hadlay uguna muhiimsanayd xidhiidh inaga iyo Yuhuuda ina dhex mara wuxuu saamayn badan ku yeeshay warkaa faafay xidhiidhkii inaga iyo wadamada Carbeed  kuwaas oo ilaa hada inagaga geeska inoogu dhuftay shaki ay ka qabaan xidhiidh inaga dhaxeeya inaga iyo Yuhuuda.

Waa laga yaabaa inay ku jirtay istiraatiijiyadeena dhafoor taabad kale oo ah hadaa na diidaan meel kaloo u leexanaa jirta, sidoo kale ay ku jirtay inay inoo noqoto wado aynu u marno quwadaha waawayn ilayn dantaada harag eybaa loogu jiifsadaaye, si kastooy tahay mawaaqifkaas iyo kii ay Somaliland ka qaadatay dagaalkii sokeeye ee Yementa sagaashamaadki wuxuu ahaa kuwo bedelay aragtidii ay Carabtu inagu eegi lahayd . Waxaa sii dhooqoobay xidhiidhkii Cigaal iyo wadamada Khaliijka  waxaa xidhmay Suuqii iibgaynta adhiga ee dalka Sucuudiga waxaanay Carabi inaga fahantay inaanay dantoodku jiri Somaliland siday wax u wado ee ay dantoodu ku jirto Soomaaliya.

Mawqifka hada ee Somaliland kuna aadan khilaafka Qatar iyo wadamada khaliijka.

Markaynu u nimaadno mawqifka ay iska istaagtay Somaliland khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo wadamada Sucuudiga iyo Emirates iyo Masar ay hogaaminayaan wuxuu u eeg yahay mid ay ka raaceen maslaxda Berbera iyo suuqa xoolaha Sucuudiga oo ay  ku beer laxawsanayaan mawqifkoodan. dhanka kale waxay tahay inay tahay ku xumayn arinka Somaliya waxaana la iswaydiin karaa hadii Somaliya la safan lahayd Sucuudiga Somaliland ma la safan lahayd ?

Siyaasadu iyadoon masaalixdu hagto hadana umad kasta dhaqankeeda diinteeda iyo mafaahiimteda nololeed kama madhna Reer galbed meeshay xabad roodhiya geynayaan afkaartoodana way geeyaan, ciday hal Dollar dayminayaan waxay ku xidhaan shardiyo la jaanqaadaaya aragtiyahooda Falsafadeed waana been la isku sheego inay siyaasada masaalixda oo qudhi hagto.

Markaynu nahay umad muslima waxay diinteenu ina faraysaa walaalkaa u gargaar markuu gardaran yahay iyo markii laga gardaran yahayba, haduu gardaran yahay waad gardaran tahay dheh hadii kalena uba gargaar hadii aanad intaaba karayn waxaa aad ugu soo noqnoqda xidhiidhka wadamada caalamka waxay ugu yeedhaan wadamada dhexdhexaadka ah waana waji ay yeeshaan wadamada qaar markay ka maarmi waayaan ee aanay rabin inay ku dhex milmaan arimo cakiran.

Waxa la is waydiinayaa Maxaynu ka badali karnaa shaxda ay dheelayaan wadamadaasi ? Runtii waa waxba dhacdo kastona waxaa ka hadha taariikh waxaanaynu ognahay wadamada goaanka ka qaatay wadanka Qatar iyo sababaha la isku hayaa waxay yihiin oo aynu hore uga hadalnay , shaxda maanta  ka socotaana waa mid ku salaysan afkaar qoto dheer oo la isku hayo.

Waxay wadamada khaliijku marka laga reebo Qatar ka soo horjedaan isbadalada kacdoonada dunida Carabta waxay ognahay mawqifkay ka istaageen Masar iyo afgambigii, waxaynu kaloo ognahay mawqifka ay ka taagan yihiin Islaamka iyo Siyaasada iyo cid kastoo u dooda,  waxaynu kaloo ognahay shucuubta carabta iyo waxay ka  kala aaminsan yihiin wadankaas yar iyo xulufada sucuudiga sidaas darteed waxay suaashu ma waxaynu la sumcad ka raadinaa shucubta carbeed mise boqorada carbeed.

Wadamo inaga waawayn oo Carab iyo Islaamba leh ayaa gadaal istaagay halka kuwo kale safka hore ka istaageen u gargaarida umadaa muslimka ah ee bishii ramadaan laga jaray  cunadii ee wasiirka arimaha dibada Maraykan laftiisu yidhi waar bal Ramadaanka dhawra oo sidaa  ha isku sii galina.

Somaliland haba taageertee miyaanay ogsoonayn beri ka maalin inay dhamaan karto qadiyadani Carabina iyagaa iska kaa xigta  ee hadiiba aad masaalix eegatay Somaliland miyaanay ogsoonayn inay Qatar ka maalgashi badan tahay Emirateska suuqyada waawayn ee dunidana kaga saami badan tahay wadamadaa kale?  Somaliland miyaanay ogsoonayn inay Qatar leedahay baanka ugu balaadhan ee maalgashi ee Carbeed? Somaliland miyaanay ogayn inay jiraan boqolaal siyaabood oo kale oo loo maali karo Qatar iyaba ?

Hadiiba aanay Siyaasadaheenu xaq iyo baadil ba danayn waxay ahayd inay eegato masaalixdeeda waayo midkastaynu u baahanahay Kuwait gegida ayey kuu dhistay Emirates dekeday horumarinayaan Qatarna sidaad kuwaaba u maashaad u maalin kartaa hadaad xirfadeeda la timaado waana wadamada ugu deeqsisan carabta se hadaanad ka faaiidaysan karin jaanisyada la iskama gaagixiyo beriba waxbaa loo dhigtaa.

Dhanka kale Somaliland maka eegtay xidhiidhkeena inaga iyo wadamada kalee Qatar taageerey oo ay Turkigu ka mid tahay kaas oo si gaara arimaha geeska u daneeya  saamayn gaarana ku leh Itoobiya oo ganacsigeedu marirabo Berbera  maka fikirtay in wax kastoo uu Itoobiya geynaayaba inuu Jabuuti ka dejin? ma ka fikirtay Somaliland xidhiidhka inaga iyo Turlkiga ? Imisaa mashruuc furan uu inaga caawin rabo hadal iyo dhamaan waxaa waxa ka sii daran maxaynu taariikhda dib ugu dhiganay mise sidii aynu horeba mawaaqifteena kolba meel ugula dul kufi jirnay ayeynu kana kula dul kufnay halkaas.

wa bilaahi tawfiif
Ilyaas Caanteynle

Leave a Reply

*