SOMALILAND IYO SOOMAALIYA: BAL DHUGO OO FAHAM SIDA AAN JANNO IYO NAAR MARNABA LA ISKU WAAFAJIN KARIN?

SOMALILAND IYO SOOMAALIYA: BAL DHUGO OO FAHAM SIDA AAN JANNO IYO NAAR MARNABA LA ISKU WAAFAJIN KARIN?

SOMALILAND IYO SOOMAALIYA: BAL DHUGO OO FAHAM SIDA AAN JANNO IYO NAAR MARNABA LA ISKU WAAFAJIN KARIN?

 

Miisaaniyadda Soomaaliya ee 2017 waa $ 267,544,364 naqad ah. Waxa ay iskugu jirtaa qaadhaan bixin shisheeye oo dhan $ 125,112,000 iyo dakhli gudaha ah oo dhan $142,432,364. Marka saamiga boqollayda ah loo beddelo waa 53.2% gudaha Soomaaliya ka yimaada iyo 47.8% kaalmo dibadeed ah.

Miisaaniyaddaa yar ee lufadda buugga lagu xariiqay ahi, ma aha mid ciidan iyo shaqaale dawladdeed mushahar laga siiyo, amni lagu sugo, horumar iyo adeeg bulsho wax laga ga qabto sida caafimaad amma waxbarasho; ma na aha mid abaar iyo dhib kale wax laga ga qabto oo ay ummadi ku samatabaxdo.

Gargaar iyo tallaabo walba se waa mid beesha caalamka loo irkado oo la magansado. Arki maysid Soomaaliya oo miisaaniyaddaa $267,544,364 wax ku qabaneysa marka laga reebo taxtaxaash iyo in ay safarro dibedda ugu boqoolayso. Weliba badankooda safarradaasi waa qaar wax-yeelo loo gu geysanayo Somaliland oo cadaawad iyo hinaase ah!

Dhanka kale, Miisaaniyadda Somaliland,

 

waa $362,517,393 naqad ah. dakhliga bannaanka ka soo gala ee ugu weyni waa kan Sanduuqa Horumarinta Somaliland amma Somaliland Development Fund (SDF) oo ahaa sannadkan $16,211,427 keliya. Waxa uu boqollay ku noqonayaa 4.47%.

Miisaaniyaddan iyo kuwa badan oo aad uga yar oo ka horreeyey waxa ay Somaliland ku qabsatay ammuur dawladnimo wax wal oo ay ka koobnayd. Tusaale ahaan; amni dhan walba ah, adeeg bulsho oo taagtii socod ah iyo horumar ballaadhan oo guclo orod ah.

Xisaabtani waxa ay sheegaysaa in Somaliland badi dalalka Afrika ay ka xoog roon tahay dhanka isku filnaanshiyaha. Waayo miisaaniyaddooda badi waxa kab u ah wax ka badan 25% oo adduunka ku taakuleeyo. Halka Somaliland sanduuq ka gaar ah miisaaniyadda caalamku ugu tabaruco wax ka yar boqolkiiba shan oo aan ahayn marnaba kab guud oo miisaaniyaddeed (General Budget Subsidy) sida dalalka kale ee Afrika.

Dhanka kale dawladnimadu waa dan, maanta Somaliland wax ay uga baahan tahay Soomaaliya ma jirto. Waa maxay danta ku jirta in aad la shuraakawdo dal aan dhaqaale ahaan is-bixineyn, amni ahaan 100% cid kale ku tiirsan aqoon ahaan iyo caafimaad ahaan na 500% kaa hooseeya?

Dawladnimadu ma aha isir iyo ab toona, waa dan iyo hadba mustaqbalku sida uu kuu gu badaniyo. Somaliland ayaan ka tagayaa amma saluugsanahay oo cadaab ayaan doorbidayaa ma jirto nacasnimo ka weyn iyo garasho ka liidataa.

Cid wal oo aan xisaabta danniga ah ee Qaranka Somaliland aan si fiican uga shaqayn, oo xaal sida uu yahay garashadooda waafajin, waxa aan leeyahay Somaliland iyo Soomaaliya laba jid ayey ku kala joogaan, janno iyo naar na la isma waafajin karo. Walaallayaal kala quusannay e, aan kala qoomamo la’aanno. Soon Wanaagsan.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk.

Leave a Reply

*