Gudoomiya Xisbiga Waddani ee USA Maxamed Aaden Tarabi oo Fashilyay Fadeexado Dulhoganaya Xafiiska Washington D.C.

Gudoomiya Xisbiga Waddani ee USA Maxamed Aaden Tarabi oo Fashilyay Fadeexado Dulhoganaya Xafiiska Washington D.C.

 

Waxaan halkan idin kula wadaagayaa shan qodob oo aan u arko inaanay munaasib ku ahayn nidaamka dublamaasiyadeed ee xafiiska Soomaalilaan ee Maraykanku uu ku fashilmayXafiisku kuma yaallo Washington D.C. Waana meesha ugu munaasibsan marka loo eego baahideenna.

  1. Xafiisku wuxuu adresska la wadaagaa Taxi Cab la yidhaahdo UNION CAB taas oo aad ka aragtaan sawrka iyo ciwaanka

  2. Lacagta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku bixisay Xafiiskan oo ah mid aad u badan waxa cad in la lunsaday maadaama aanu ku jirin adress uu leeyahay.

  3. Safiir safiika Soomaalilaan ee USA ma deggana umana dhawa xafiiska 

  4. Majirto cid shaqaale ah oo illaa hadda ka hawl gasha

  5. Dhismaha Taxi Cabka wuxuu kaga jiraa laba qol inta kalana waa sawir uu ina tusayo inuu isagu leeyahay waana been

Waxaa ayaandarro weyn ah in 7-sanno si walba loo baadhay bulshadeenna tabaalaysan oo aan wax sharaf iyo milgo ah midna loo reebin. 7-sanno USA wax xidhiidh ah oo la taaban karayo kumaynaan soo kordhin sababtoo ah majirto cid isku hawshay oo u dhaqaaqday. Wasaaradda arrimaha Dibaddu waxay isu baddashay Wasaaraddii Ganacsiga iyo Maalgashiga waxaana intii xukuumaddani jirtay meesha ka baxay ictiraaf raadintii.

Waxaa ceeb inoogu filan inaynu 2017 in xafiiskeennii USA uu yahay meel aan shaqayn guulina ka muuqan.


​dadweynaha reer Soomaalilaan waxaan ka codsanayaa inay kaliya isu fiiriyaan ciwaanka safaaradda iyo ciwaanka Kombaniga. Ma u qalanna oo lacag ma ku bixinnaa mise……idinkaan talada idiin dhaafay.

 

Halkan ka Dhagayso

Maxamed Aadan Tarabbi

Guddoomiyaha Waddani USA

571@gmail.com

Leave a Reply

*