Ma Galayr baa dhaymo inooga baahan mise Khaatumaa dawayn inooga baahan ?

Ma Galayr baa dhaymo inooga baahan mise Khaatumaa dawayn inooga baahan ?

Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiiba, waxaa dhawaanahanba socotay wadahadalo u socday dhanka hogaanka falaagada ee garabka khaatumo  mudane CAli KHaliif Galayr iyo  hogaamiyayaasha siyaasada ee Somaliland. Waxaanay kulamo kala duwan ku yeesheen dalka dibadiisa iyo gudahiisaba  waxaana wadalada ka qayb galay dhamaan axsaabta mucaaridka ah sida gudoomiyaha Ucid mudane Waraabe iyo gudoomiyaha Wadani mudane Ciro, Galayr laftiisu wuxuu marar  socdaal ku maray Somaliland  ilaa uu soo guryo noqday hada oo uu ku sugan yahay Somaliland kaas oo booqday Boorama hadana ku sugan Hargeysa.

Sidaas darteed waxaynu dul istaagi doonaa heshiiska la sheegay inuu dhex maray labada dhinac ee Khaatumo iyo Somaliland inagoo is waydiin doonaa : Muxuu daaran yahay heshiiskani ? Muxuu yahay waxa ay tabanayso Khaatumo ? Siduu ugu adeegayaa danta labada dhinacba ? Hadii Galayr la heshiino miyeyno Khaatumo la heshiinay? Maxay ku qancidoonaan reer Khaatumo ? Maxaynu se inagu ku qanci´doonaa ? Suaalaha iyo kuwo kaloo badan ba waxaynu isku dayi inaynu jawaab kooban mid kasta ugu heli karno qormadan iyada ah.

Khaatumo iyo Galayr midba Erey.
Hadaynu isku dayno inaynu midba erey ka nidhaahno Khaatumo iyo Galayr aan ku horeeyo Khaatumo waa degaan taariikh aan muran ka jirin inuu ka tirsanaa Somaliland dad ahaan waa dad la isdhalay oo isku edo iyo abtiya, waxaa qudhee jiraa waxay tahay inay deegaan ahaan inoogu baaleeyaan se taas micnaheedu maaha inay markay awood qaybsi iag dheefqaybsi timaado siday u baaleeyaan inay qaybtana baal ka joogaan.

Waa dad la aynu sheegano dal ahaan iyo dad ahaanba  se markay raad dawladeed iyo dheefba timaado waa dad ka aradan wax badan oo aynu gaadhnay suaashu waxay tahay  ma iyagaan wax la qaybsan dadka mise inagaa habranay ? Siday iyagu sheeganayaan inagaan xeedhada gacanta u galin waana sida u dhaw xaqiiqada. Halka inagu ku eedayno inaanayn iyagu dadka wax la qaybsan se waa arin ka fog xaqiiqada waxaanan taaba ugu sii daalin intaynaan Laascaanood u doodin Hargeysi cadaalad ma isa siisaa ?

Hadal iyo dhamaan Khaatumo waa dal iyo dad inaga mida oo tabasho ku maqnaa sababtuna ahayd dhankeena. Halka Cali Khaliif Galayr yahay Aqonyahan inaga mida oo ka mida iyaga kumana qaldana hadii uu degaanka uu ka soo jeedo u dooday una raadiyey wixii ka maqnaa isagoo boogta farta ku fiiqay, wax waa lagu waafiqi karaa waxna waa la isku diidi karaa se masaladu maaha hadii hebel la raali galiyo inay dhibkii dhamaaday ee Galayr waa shakhsi ubadkiisii iyo reerkiisina kuwo dhibi soo gaadhay maaha waxaanu ka mid yahay  ildheergaradka Soomaalideena ee ubadkoodii iyo reerahoodii meel amaana oo mustaqbal u leh ubadkoodii ku soo hubsaday ha ahaato Amerika sida isaga ama ha ahaato Yurub sida kuwo kaloo badane.

Sidaynu isku qaramayn jirnay miyay u baahantahay Khaatumo ?
Markaynu taariikhdeena dib u raacno habkii qaramaynta beelaha ee uu Cigaal  raaci jiray waxay ahayd in hadba beel kasta suldaanadeeda iyo qabqablaheeda dagaal uu gacanta ku dhigo ka dibna iyaga la laaluusha si ay beesha inamadeeda gacanta fudud usoo xareeyaan. Maanta Khaatumo jabhad meel fadhida oo aynu leenahay soo xareeya maaha ee waa umad meel fadhida oo wax tabanayaa sidaas darteed waxaad moodaa in majiire qaldan la raacaayo oo ah in hebel gacanta lagu dhigo iyo afarta uu wado si ay usoo xero galiyaan afartooda kale ee xagaa ku maqan.

Waxay inooga baahan yihiin waa cadaalad iyo sinaan , waxay inooga baahan yihiin inuu wax ka gaadho dheefta aynu inaguba kala badsano ee aynaan cadaalad u qaybsan se suaashu waxay tahay sidaynu cadaalad u gaadhsiin hadii inagii xaalkeenu yahay sida aynu u jeedno ? hadii inagu maanta beelo beelo iskugu bu´ayno. Sidaynu xaqooda u siin hadii hanaankii dawladnimo iyo dheeftiiba  ay soo dhaafi la dahay  xaafad Hargeysa ka mida ?  siday Khaatumo cadaalad u heli hadii qaybo ka mida Beesha dhexe wax kasta kaligeed qaadatay ? Waxay u muuqataa marka xaqiiqada laga hadlo in Galayr afka loo bixiyaa inay sahlantahay se in Khaatumo la daweeyaa oo tabashadooda Somaliland ka falcelisaa inay adag tahay.

Waayo Somalidu horay uga maah maahdoo waxay tidhi “ninkaad kabahaaga ka tolanayso kabihiisaa la eegaa” waxaan uga socdaa Cadaalada Hargeisi isa siin wayday ee ay Laascaanood sida mayey da´ay  ku maanshayndoonto maxay iyadu isugu maanshayn wayday? Waa wax lagu farxo arintani mana dhayalsanayno inagoo is khilaafsan inaynu wada hadli karno oo tabashadeena isku sheegan karno se sida Khaatumo hadaba se walee reer aan ogay ma guuro waa halkii dacawadee hadii aan mililka halkiisa loogu tagin .

Bal qiyaas suurgal nimada ay suugal noqon karto in dastuurka la furo in xilalka hebelo isku wada qaraabo kiileen la qaybiyo in dheefta yaree cid yari isku filnaysiisay loo qaybiyo laascaanood ilaa lawyacado . Bal qiyaas suurgalnimada ay suugal noqon karto in  ilayn dalkii wuu kala horuamaree iyadoo la adeegsanaayo habka dunidu isticmaasho mar umada la isasoo gaadhsiinaayo  oo ah (Top down -Bottom up ) in kuwa sare la soo gaadhsiiyo kuwa laga tagay  taas micnaheedu waxay tahay inay cida cida sedbursiimada haysataa ka tanaasusho in wixii iyaga la tari lahaa awooda sanadada soo socda la siiyo bariga iyo dhulka kalee laga tegay.

Taas aynu soo sheegnay wuxuunbay suuragalaysa  hadii ay inaga dhabtahay waxaynu afka ka sheeganaa ee ah midnimada iyo walaalnimada wadaniyadeed ee aynu ku hadaaqno habeen iyo maalinba. Ma u malayn inayn Boorama ka tanaasuli xuquuq ay leedahay oo ay u jari Bari ma u malaynaysaa in Gabilay u huri xuquuq ay leedahay Laascaanood ma u malaynaysaa in Hargeysi waxay iyadu isa siin wayday inay siin doonto Laascaanood “Wishful- thinking”   waxba yuu hadalku ila sii durkina in waraaqo ereyo lagu qoro ka dibna suul iyo saxeex la raaciyo waa arin sahlan laakin in la fuliyaa oo la dhaqan galiyaa inooma sahlana waa marka runta aynu isku sheegayno .

Khaatumo iyo cida kale ee gacmaha kula jirta.
Itoobiya
Khaatumo maaha mid kaligeed taagan hadaynu bilowgii ka soo bilowno  Galayr wuxuu ka soo degay Itoobiya iyadaana uu ka kiraystay diyaarad iyadaa gaysay halkii shirkii ugu horeeyey ay ku qabsadeen ogow hada Somalilandna saaxiibay la ahayd shirkaasna Somaliland way ka soo horjeeday markii danbena iyaduu ku degay dalkeedaanu ka dhoofay.

Khaatumo waxay Itoobiya uga dhigan tahay ul ay u adeegsan karto Somaliland, Marar uu Galayr laftiisu ka waraamaayey wuu sheegay inuu isba garanaayo danta ay waxa ay Itoobiya u taageerayso isaga. Sidaas darteed ha moodayn inaanay Itoobiya faro kula jirin arinkan isaga ah iyadaa u fududaysan dhamaan adeegyadii uu uga baahnaa bilow ilaa dhamaad iyadoo dhankan kalena kala saaxiiba Somaliland.

Somaliya
Markaynu u nimaadno Somaliya dhankeeda Khaatumo waa fursad wayn oo ay haysato markay tahay  la dagaalanka gooni iskutaaga Somaliland, Sidii Cigaal badi dunidu ku xujaysay shuruudaha ugu horeeya waxaa ka mida markaad ictiraaf raadinayso ina xuduudihii lagu yaqaan Somaliland ay gacantaada ku jiraan marka hore British Somaliland. Sidaas darteed maqnaanshiiyaha ay maqantahay Khaatumo waa mid dhabar jab ku ah qadiyada ay Somaliland u ordayso ee ah Ictiraafka.

Sidaas darteed isfahan dhexmaraa Khaatumo iyo Somaliland waxay dhabar jab ku tahay kooxda Muqdisho fadhida ee calanka Somaliya lusha waayo wuxuu hadal ku dhamaanayaa Waqooyi wixii la odhan jiray  wuu is raacay  waanu midaysan yahay  se hada intay sidan tahay weli waxay haystaan qiil  iyo god-doloolo ay ugu marmarsoodaan  oo ah waqooyi looma dhama sidaas awgeed Somaliya far bay ku leedahay arinta Khaatumo ee ha moogaanin.

Gunaanadka 
Gebagebada sheekadu waxay ku soo ururaysaa arintani maaha arin sahlan  waxaana faraha kula jira gacmo inala dheelaaya godkastooynu dheelno  guusha aynu ka gaadhnaana waxay ku xidhan tahay sidaynu wax ugu hurno iyo sidaynu uga run sheegno waxaynu waraaqaha ku kala saxeexanay waxayse u muuqataa mid aan sahlanayn. Waayo inagiibaabad u jeeda sida qabyaaladii iyo eexdii u barartay, sida ay usii daciiftay midnimadii iyo is ahaanshihii umadeed se waxaynu rajaynaynaa inaynu dhibkan ka bixi hadii ay inoo soo baxaan wiilal barakaysan oo umad kob cagaaran u rari kara ilaahayn la garab galo se wiilashan dhawaan ii kacaw waydin eersaday  (abwan Qaasin)

Wabilaahi tawfiiq
I. Caanteynle

Leave a Reply

*