Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Somaliland u doodaaya waligaa ma aragtay?

Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Somaliland u doodaaya waligaa ma aragtay?

W/Q:Khadar Ibrahim Aar.

 

Dadka Somalida ahi inta badan marka ay ka hadlayaan Gabayadii iyo halku dhigyadii Murtida ahaa ee IHN Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde,waxa ay soo qataan oo kaliya gabayo iyo halku dhigyo tilmaamaaya Somalinimada iyo israaci labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Waxa kaloo ay dadka badankiisu qalad ka faham-san yihiin una haystaan in Cabdilaahi Suldaan Timacadde uu ka gabyay ama ka geeraaray oo kaliya Isku darkii labadaasi gobol iyo israaci dawladnimo ee aan sharciyada fiican ku dhisnayn.

Waxa ay dad badani iyaga oo og ka ilduufaan iskana dhaga-mariyaan in Cabdilaahi Suldaan Timacadde uu tiriyay Mansooyin iyo Gabayo ka hadlaaya khaladkii iyo dulmiguu markiiba ka dhacay Isku biirkii Labada dawladood ,isaga oo Cabdilaahi sheegaaya in ay qaldameen heshiiskii iyo walaalnimadii la filaayay in dawlad shan Somaliyeed ah lagu raadiyo.

Cabdilaahi Suldaan waxaa markii uu tegay Magalada Xamar sanad uun ka bacdi israacii ,u muuqday oo uu arkay iyada oo Dawladnimadii ay si cadaalad darro ah ay isku koobeen dadkii markaasi kasoo jeeday Koonfurtu,waxa kaloo uu arkay kana geeraaray khaladka iyo khiyaanada lagu sameeyay dadkii doonaayay walaalnimada iyo isla doonashada Shantii Somaliyeed ee la isla raadinaayay.

Waxa kaloo Cabdilaahi Suldaan usoo baxday in cida kaliya ee raadinaysa isu keenka Shanta Somaliyeed ay tahay Somalida Waqooyi ,iyada oo uu si cad u arkay in Madaxda kasoo Jeedda Koonfurta Somaliya ay yihiin kuwo ku kaaftoomay oo kaliya waxoogaga dawlad nimada u eeg ee uu Talyaaniga ay ka dhaxleen,waana mida keentay in Shantii Somaliyeed in la isla raadiyo iska daaye ay dulmi iyo gardaro kula kacdo dadkii Somali nimadu ay ka dhabta ahayd.

In badan waxa la qariyaa gabayadii iyo geeraradii Cabdilaahi Suldaan Timacadde,qarinta iyo xaqiiraada lagu sameeyay Maansooyinkaasi Cabdilaahi Suldaan iyada oo lasoo qaadanaayo in gaar ah oo markaasi loo arkay in lagu fushan karo dano gaar ah.

Hadii aad qof Somali ah aad waydiiso oo aad tidhaahdo kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan waxa laga yabaa in uu kuugu jawaaba ” waxa uu ahaa Muwaadin Somaliyeed”waa run waxa uu ahaa nin jecel Somalida iyo walaalnimadeeda,balse lama sooqaado lamana keeno fagarayaasha Cabdilaahi Suldaan oo ka hadlaaya dulmigii iyo khayanadii loo gaystay Somaliland xiliyadaasi.

In la qariyo oo la aaso oo aan dadka loo sheegin Gabayadii iyo geeraradii Cabdilaahi Suldaan uu kaga cabanaayey Koonfurta Somaliya xiligii israaci labada dawladood,waxa kow ka ahaa dawladii Maxamd Siyaad oo iyadu dhamaanba xabaashay qabrigana ku riday Cabdilaahi Suldaan iyo gabayadii uu kaga cabanaayeye dulmiga iyo gardarada lagu sameeyay Somalidii Waqooyi ee iyadu horseedka ka ahayd isla doonashada iyo raadinta Shantii Somaliyeed.

Tariikhii iyo waddan jacaylkii Cabdilaahi Suldaan ee Iskuulada dadka loogu dhigi jiray waxa ay ahayeen kuwo ka turjumaaya garab kaliya oo ah xiligii Cabdilaahi niyad wanaaga iyo kalgacalka u hayay isu keenka shanta Somaliyeed,balse waxaa la qariyay oo god dheer lagu riday wakhtiyadii uu Cabdilaahi dareemay in Koonfurta Somaliya aanay ahayn marnaba mid daacad iyo walaalnimo ka ah isla doonashada Somalidii kala maqnayd ee shanta ahayd.

Dulmigii iyo xaqiraadi wakhtigaasi dhacday waa mida maanta Koonfurta Somaliya aan isleeyahay waxa ay ku tahay ciqaabka iyo kasoo kabashada in marnaba la helo dawlad loo dhan yahay,waana mida aad maanta arkayso in ay u kala burbureen 6 maamul goboleed oo dhamaantood dhufaysyada isugu jira,isla markaana aanay jirin mid-mid bixinaysa ama heshiis la ah,iyada oo ay dhamaantood ay ilaaliyaan cidamo shisheeye oo dano gaar ah oo siyasadeed kalihi.

Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaaye,

caruurtay ka laysaa ninkii caano baas-dhama.

Hadaba waxa aan halkan kusoo bandhi doonnaa ,Geraar uu Cabdilaahi tiriyey markii uu Xamar tegay iyo dulmigii uu wakhtigaasi uu arkay .

Waxa uu yidhi:

“Afrikadan is wada daafacdee, dababka noolaysay

Dib baa looga joogsaday markay, debinta ruugeene

Laga durug dorraad galab kuwuu, dacasku saarnaaye

Dirqibay xornimadow heshaye, laguma diiqayne

Ninkii aan u doogdhaban biyaha, looma soo daro e

Daayeerna laas waa qottaa, doox hadduu tago e

Dudduntaan halkii lagu ogaa, doorsan weligeede

Daa’imo carruureedna ways, daba gurgurtaane

Dadkan wada dallacay dawladahan, dahabka shiilaaya

Da’deennay ahaayeen kuwaa loo dabbaal dagaye

Doqonniimo soomaali waa, loogu dawgalaye

Hadduunbay u dooyaysantahay, sheeyadii dilaye

Immikaa la doondoonayaa, dir iyo daaroode

Dan soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kala e

Shacbigii dagaalka u og, daadsan suuqyada e

Danbarkeedii maandeeq nimaan, dooninbaa dhamaye

Distoor iyo qawaaniin ayaan, cidiba doondoonin

Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaaldegine

Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay

Ee daasaskeennii wixii, yaallay lagu doortay

Diqsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaane

Dibjirkiyo haddaan lala hadlayn, dumarkan gaajaysan

Goortaan horoo loo durkiyo, derajo eegaayay

Hadduunbaa sidii buul-duqeed, daaha loo rogaye

Kol haddaan talyaanigan dhex degay, cidi ka duubaynin

Iga daaya gabaygu waa iiga darayaaye.

Waxa kaloo iyana aynu halkan kusoo qaadan doonaa ,Maansadii Cabdilaahi Suldaan ka hortiriyay safarkii dheeraa ee IHN Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmaarke isaga oo Cabdilaahi hoga tusalaynaaya Madaxwayne Sharmaarke in Dawladnimadii Waqooyigu ay koonfur geyeen in ay ku hungoobeen isla markaana dhamaan hay’edahii dawlad nimadana ay wada qateen dadkii markaasi Koonfur kasoo jeeday.

Waxa uu yidhi:

“Midina waa dacwaddayda

Maalintii dabku qiiqayeen

Isticmaarkii is diidnay

Nimankii danta sheegtayee

Dariiqooda ka leexanee

Dacwaddooda dhammaystayee

Dalkan caawa aan joogno

Dulligii isticmaarkiyo

Dahaadhkiiba ka siibayee

Karal daaqad ka saarayee

Duddaanu ahayn,

Dawlad soo gashay mayhine

Danteennaa laba diidaye

Dabuub aanu maqlaynay

Dareen baan ka qabnaayoo

Dugisii baarlamaankiyo

Dekeddii xamar baa leh

Berbera daadku ha qaado

Doonniyi yaanay ku weecan

Duqaydii baarlmaankaay

Labadaa kala daayoo

Yaan loo daymo la’aan”.

Waxaa fiican in tariikhda aan markasta dhinaca aad jeceshahay uun aan laga qaadan,balse iyada oo la cadalad samaynaayo waa in tariikhta jirta si sax ah loosoo gudbiyo,hadii kale waxa aad noqonaysaa nin naftiisa been cad u sheegaaya hadana ku faraxsan Beenta uu usu sheegaayo.

Miyaad Dhagaysatay Gabayga, Abwaan Qaasim  oo dhwaan  Lahelay isaga  oo Original ah

Leave a Reply

*