Shax noocee ah bay  dheelayaan Xirsi iyo Kaahin ? Tolkood se waa iyama ?

Shax noocee ah bay dheelayaan Xirsi iyo Kaahin ? Tolkood se waa iyama ?

Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiinba waxaynu qormadan kooban ku eegidoonaa qorshaha labada xisbi ee Wadani iyo Kulmiye ee ku waajahan hanashada codadka ugu badan markay tahay dhanka gobolada Bari ee dalka. Waxay labada xisbi kala raacayaan istiraatiijiyado kala duwan isagoo mid waliba ka dabqaadanaaya qorshihiisa ku aadan siduu kursiga u fuuli lahaa.

Sidaas darteed waxaynu dul istaagi labada masuul ee Xirsi iyo Kaahin  ee ay labada xisbi ku kala doonayaan kasboshada codadka beesha ay ka soo jeedaan labadaa mudane waa Xirsi iyo Kaahine, sidaas darteed waxaynu ka eegi dhinacyada kala ah :
A-Muxuu yahay labadan mudane sooyaalkooda taariikheed ee ay beeshooda iyo umada Somalilandba u  kala haysaa?
B-Muxuu midba xisbiguu u ololaynaayo uga dhigan yahay ?
C-Maxay tahay khatarta ugu wayn ee Xirsi ku hayaa Muuse  hadii uu guulaysto ?  Suaalaha iyo kuwo kaleba waxaynu isku dayi inaynu jawaab ugu heli karno qormadan iyada ah hadii eebe idmo ee dhugasho wacan.

Sooyaalka taariikheed ee Kaahin iyo Xirsi.
Hadaynu isku dayno inaynu is barbar dhigi karno labadan mudane ee beesha ka soo wada jeeda sooyaalkooda taariikheed oo aad u kala duwan wiilka gaaban ee  xariifka ah(Xirsi) iyo kornaylka duqoobayba (Kaahin) waxay ku kala suntan yihiin midba waqtigiisii iyo wixii jiray intay xilka dawladnimo usoo hayeen Somaliland.

Kaahin
aynu ku bilaabno kaahine wuxuu ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee dawladii ugu horeysay ee Somaliland ka curata ee madaxwayne Tuur hase ahaatee nasiib daro waxaa lagu eedeeyaa inuu ahaa Kaahin  dadka aadka wax looga saaro dagaalkii sokeeye sababtoo ah wuxuu ahaa wasiirkii u horeeyey ee qaab qabiilaysan uga baxa dawladii Tuur isagoo wasiiradii beeshiisana ka soo jeedayna  wada duufsaday  waagaas.

Mushkiladii waagaas bilaabantayna halkii ay inala sii gaadhay waynu la wada soconaa isagoo gacan ka helaayey waagaasna saaxiibkiisa hadaba ee Muuse waxaa sidii ku bilaabmay dagaaladii sokeeye  hase ahaatee wax tagay tiigsimaad malahee  tan iyo waagaas  waxaa la xusaa inaanu xil danbe umada u qaban mudane Kaahin sida saaxiibkii muusaba xilkii waagaas uu ugu danbeeyey xil uu umad u qabtaa.

Waxay taariikhyahanadu xusaan inuu madaxwayne Tuur gole loo dhan yahay ka habaaray Kaahin iyadoo ducada ama habaarka madaxduna u dhigmo ducada ama habaarka waalidka. Waxa ugu badan ee qofka caadiga ah ku soo dhacaa marka labadaa mudane waa Muuse Biixi iyo Kaahine la maqlo waa dagaalo sokeeye iyo wax lamida sidaas darteed waxaad moodaa inay si u godobaysan yihiin labaduba waayo waxay qayb ka haayeen dagaaladii sokeeye  soolaabashadooduna waxay dadbadani is waydiiyaan alahayow  maxay noqon ?

Xirsi
Wiilkan gaaban ee xariifka ah ee daaqaduun siyaroo aadyar ah uga soo galay saaxada siyaasada Shankaroonland  hadaynu dul istaagno  wuxuunbuu soo caanbaxay intii adeerkii Siilaanyo kursiga fuulay, hase ahaatee gaalka dil gartiisana sii ee wuu dadaalay oo wuu isasoo saaray waxaanu ahaa hadaynu sida jaariidka caalamka qiimayn lahayn siyaasiga sanadka waxaa hubaala inuu xirsi ahaa siyaasigii ugu caansanaa intuu talada dalka hayey dadkoo dhana laga yeedhsiiyey waagaas Xirsi mid jecel iyo mid neceba dhaliil iyo amaanba.

Hadaba suaashu waxay tahay maxaa lagu xusaa Xirsi ? inagoon badinayn siduu xirsi sheegay kaftankii uu Muuse kula kaftamaayey ee hadana runta ahaa waayo reermagaalku kaftankuu runta iskugu sheegaa horaa loo yidhee  wuxuu hadalkii ku soo uruuriyey (Adeerkay inataan la shaqaynaayey nabad iyo horumar iyo mashaariic furitaankoodaan ku qaatay adna  intaad adeerkaa la shaaynaysay dagaal sokeeyaad ku qaadatay)  sidaas awgeed faraqa u kala dhaxeeyaa waxay tahay kornaylka hawlgabka ahi intii uu beeshisa u matalaayey dawaladii Tuur wuxuu dhaxalsiiyey tolkii dagaal sokeeye . Halka xirsi intii uu tolkii u matalaayey dawladii adeerkii ka madax ahaa wuxu tolkii u soo jiiday magac godobna waxaa tusaale kuugu filan xaafaduu degen yahay ee bariga Magaalada Hargeysa isaga iyo maalqabeenka kale ee Dahabshiilba , halka Kaahin weli kaga nool yahay hal xaafad tan iyo waagii sababtuna ay tahay (Rag gogoshii waa godob la´aan)

Maanta iyo tolkood waxay uga kala dhigan yihiin  Kaahin iyo Xirsi.
Marka aynu eegno maanta iyadoo dhaqan siyaasadeedka(political culture ) Somaliland yahay mid ku salaysan qabiilka oo reeruhu  yihiin midka arimiya masiirka siyaasiga soo baxaaya waxay beeshooda u taala miisaan culus waa mide wiilkeeda gaaban ee xariifka  ah ee mar labaad soo rogaal celiyey iyo sidii logu taageeri lahaa fursadaa dahabiga ah ee laga yaabo hadii ay guulaystaan inuu shoolada dawlada Wadaniba gudaha ugu dhaco .  Waxaa dhanka kale u yaala beeshaas  aragtida gaashaanbuurta ee ah anagaa idin dooranay shalay ee maanta idina na doorta aragtidaas oo loo soo maraayo kornaylkeeda duqoobay ee Kaahin.

Markay halkaa marayso waxay dantu maanta ugu jirtaa beeshaas iyadoo wiilkeeda xariifka ahi mar labaad madaxtooyada shooladeeda ugu dhaco, oo uu dabadeto mashaariicdii qabyada ahaa halkaa ka sii wado dhamaystirkooda sida wadadii Bariga iyo mashaariicdii kaleba, se maanta kornaylka duqa ah ee  lagu qanciyey shansano ka dib calalaheeda hadii uu Muuse uga tanaasulo waliba weeye doorashada danbe adna doorkaaga sug ay tahay waxay u muuqataa arin jaaniskeedu aad u yar yahay  oo beeshu ka doorbidi doonto wiilkeeda da´da yar ee xariifka la soo dijaabiyey ah in ay taageeri doonto.

Xirsi iyo khatarta ugu wayn ee Muuse ku hayo iyo wuxuu badali karo .
Waxaan badi la qarin oo si cadba ay ugu shadaaxaan madaxda qaar inay Somaliland beeluhu si isku gaashaanbuuraystaan sidii ay dhawaanba ka  dhawaajisay wasiirka maaliyada ee Samsam ee ay haybta wadaagaan Muuse inay labada beelood ee Muuse iyo Kaahin is gaashaanbuuraystaan walow aanay degaanba wadaagin oo ay jirto (Geopolitical Challenges) oo ah in  wiilka Burco iyo wiilka Gabiley  dan ku midayntoodu ka horayso midaynta Burco labadeeda daamood dan isku mida .

Sidaas darteed khatarka ugu wayn ee Xirsi ku hayo Muuse iyo kooxdiisu maaha doorashada oo qudha ee waxay ku sal leedahay masiirka dhan ee aragtida gaashaanbuuraysiga taas oo ku salaysan wiilka gabilay iyo wiilka Burco dan lagu mideeyo halka Xirsi iyo Ciro aragtidoodu tahay Oodi ab ka dhaw ee Burco labadeeda daamood midaynteeda ayaa ka horeysa Bari iyo Galbeed midayntiisa .

Guulkastoo ay soo hooyaan Ciro iyo Xirsina waxay meesha ka saaridoontaa aragtida ah gaashaanbuurta bari iyo galbeed waxaanay midayndoontaa Beelaha bariga taas oo khatar badan ku noqon karta Muuse iyo kooxdiisa waayo waxaa is badalaaya gaashaanbuuraysigii  beelaha markastoo bari is raaco waxay khatar galinaysaa himilooyinka beesha galbeedka sidaas darteed Muuse iyo kooxdiisu markastaba waa inay ku dadaalaan sidii loo kala ilaalin lahaa labadaa beelood ee bariga wada dega inay gacan saar iyo is afgarasho yeeshaanba.

hadal iyo dhamaan waxba yuu hadalku ila sii durkina waxaan ku soo ururshay  dheesha ay ku dheelayaan labadan mudane beeshoodu waxay ku kala xidhnaan midba siduu garta ugu akhriyo tolkii, iyadoo beeshuna eegan karto danteedu halkay ku jirto (siyaasadu ma laha saaxiib joogto ah ee waxay leedahay masaalix joogto ah )   waa odhaahna caana oo qoloda siyaasadu badi adeegsadaan hadaba suaashu waxay tahay beeshu ma danteeday eegan doorkan mise gaashaanbuurtii la sheegaayey weli u xidhnaandoontaa ?

Wa bilaahi tawfiiq
I.C

Leave a Reply

*