Gabayga:- “Saluug”Abwaan Maxamed Galaydh

Gabayga:- “Saluug”Abwaan Maxamed Galaydh

 

 

“Gabayga saluug” wuxuu ka mid yahay suugaantayda kuwa aan aamminsanahay, in aan aragtidayda maanta taagan

qaybo ka mida ku cabbiray. Su’aalaha iyo kuwa kale oo badan ayaa iga dhex-guxaaya;haddana soo ban-dhigiddooda ma wada awoodo xaalado jira dartood!

Ila dhugo,oo waliba dhuux,isuna sii dhaafi inta afkeenna ku hadasha.

…………………………………………………………..

Allahayoow abuurtaada saxa waanu sidannaaye,

U sujuudnnay cabsidaada oo raacnay sunnuhiiye,

Sawirkaad na siisiyo anoo qiraya sawdkaaga,

Saxariirka waayaha Rabboow maanku soliwaaye,

Waxaan aragtidaa uga socdaan siinka qabadsiine,

…………

Naf saboolku daashaday marbuu talaxa saydhaaye,

Siliciyo dhibaatada marbay kala socdaalaane,

Sakaraadku maruunbuu baxaa lana sanceeyaaye,

Maruunbaad sareediyo heshaa saanad ka maqane,

Waxaad saanyo dabatoo intaa surrinno soo xaabto,

Maruunbaad sarkaalnnimo heshaa lagu salaamaaye,

Subaxyada qadhaadhkaa marbaa laga sifoobaaye,

Maruunbaad siraadkii wacnaa saanta dhigataaye,

Raaxada safkeedii marbaad saammi ka heshaaye,

Waxaad samir tidhaahdaba kolbuu sagalku hooraaye,

Sannad noo baillaamaa Rabboow badi sammaanwaaye,

Saaca Dunida nimankaa hantee caadda sare aaday,

Sanamiyo waxay xaabudaan saalo adhiyaade,

Sinadiyo xumaantay intaa sacabbo miistaane,

Allihii sammaystiyo badhbaa diiday salligiiye,

Iyagoo sidaasay helaan sarar barwaaqaaye,

Saacad qudha ma ooyaan Rabboow saancaddaaluhuye,

Siddeed boqol sagaal iyo sagaal sabanno gaadhaaya,

Sunbay iyo faqiirbaan ahaa laga sarreeyaaye,

Inta sammada loo guurayee sahan na dhaafaayay,

Sakalaha qabiilkiyo dulmaan seeto ku ahaaye,

Siyaasado khaldaaniyo sag-saag waa sad ii qoran’e,

Hadba xulufo saaxiibtabaan seeroow ku lahaaye,

Hayb sooca nala baday rabboow waad la socotaaye,

Sumacaddii maxaa iga dilee laygu sababeeyay?

Allahayoow maxaa loo sannifay isirka soomaali?

Abtirsiimo suganbay wataan aadan saraciiye,

Nuux iyo safkii Nabiyaday dhinaca saaraane,

Sinji aan ku faaniyo Rabboow summado aan sheegto,

Sawrac laygu qaatiyo halkaan siidhka ku arooro,

Maxaa layga siibee Rabboow seere igu ooday?

Noloshaa salluugiyo Rabboow sulufka aan quutto,

Dagaallada sokooyiyo Rabboow sooryo biyo waaga,

Surmigiyo abaartaan baxayn roobka naga suula,

Sixir-bararka gaajiyo dhibtaa suuqa nagu ciishay,

Maxaa laygu soohee Rabboow gaarka igu siiyay?

Salla noqotay dunidaan lahaa sahay kasoo boobe,

Kol haddaan ifkii seegnayoo saawir ka ahaanay,

Safarkeeda aakhiro haddeer waw sakhroonahaye,

Sabadii adduunyada haddaan ciil la saran-seeray,

Seexo jannada maan lay dhahayn waa su’aal furane?.

Waxba gabaygu yuu ila silbane waxaan ku seeteeyay,

Haddaan sii ogaan laa inaan sidan ku waaraayo,

Sinta hooyadaan diidi laa inay i saartaaye,

Saqiir baan ku goyn laa naftan soo lu’go’ilayde!.

 

Curiye~Maxammad gallaydh

 

Leave a Reply

*