Tageerayaa Muuse Biixi lahayb wadaaga ah oo isku dhaarsaday  Dhac  iyo Boob   lagu Xoogo  kaadhadha  Codaynta  iyo Ganacsato Reerkood ah oo Maalgalinaysa  

 Tageerayaa Muuse Biixi lahayb wadaaga ah oo isku dhaarsaday  Dhac  iyo Boob   lagu Xoogo  kaadhadha  Codaynta  iyo Ganacsato Reerkood ah oo Maalgalinaysa  

Tageerayaa Muuse Biixi lahayb wadaaga ah oo isku dhaarsaday  Dhac  iyo Boob   lagu Xoogo  kaadhadha  Codaynta  iyo Ganacsato Reerkood ah oo Maalgalinaysa

Somalilandlive Media   waxa  ay   dharaaraha soo socda   badka  soodhigaysaa  sirqoolo dhagaraysan oo  abaabulan  kuna  salaysan  duulaan  Caadifadi wado  iyo jibbo  Qabiil kaas  oo salka  kuhaya  Xoog  iyo Xeeladba  kudhaca  Kaadhadhka Codbixiyaasha  Somaliland  duulaanka waxa   isku bahaystay   Dhalinyaro   abaabulan oo   khaas ah dhamaantoodna  kasoo jeeda  Beesha  Musharrax  Muuse Biixi / Sacad Muuse/   waxa  maalagalinaya  ganacsato   ay  hayb  wadaagyihiin kuwaas  oo   Qorshaynaya  in   ay  khalkhal galiyaan doorashada  Madaxtinimo ee Somaliland.

Ganacsatada waxa  kamida  kuwo  dano dhaqaale  qasbayaan iyo  kuwo  Dano  Qabyaaladeed   dabada  kuhaya  dhamaantood waxa  ay  kasimanyiin sidii  ay   Qasab  iyo  jujuub  kursiga  loogu fadhiisin lahaa  Musharraxa  Kulmiye Muuse Biixi  Cabdi.

 

Kaadhadhka ay Dadka kadhaceen kadibna Burburiyeen Kooxda Shuftada ah ee Musharrax Muuse Biixi u Adeegta

Shirooladan   ayaa  ah kuwo labilaabay  oo hadaba  Socda   waxana  jira  qaar kamida  dhagar qabayaasha  oo  Laxidhxidhay markii ay Shirqooladooda  ka warheleen   Gudida  Doorashooyinka  Somaliland   halka  qaar kamida Ciidamada Amaanku  soo qabteen iyaga  oo gacanta  kula  jira  faldanbiyeedyada  aanu kor  kusoo Xusnay,  gudida  doorashooyinka  iyo Ciidamada  Amaankuba  waxa  ay  ilaa hada  kacago jiidayaan  in ay  sitoos ah  warbaahinta  ugu soo badhigaan  Budhcada   abaabulan  iyo cida  maal  galinaysa balse Warbaahinta  Somaliland Live Media waxa  Horyaala   Faylal  ay  ku Qoranyiin  25 Gacansato  ah oo toos  umaal  galinaya  Shirqoolada  ay   Budhcada Beesha Sacad Muuse  wadaan.

Xogaha ay Somalilandlive Media   heshay waxa  kamid ah Maleeshiyo beeleed   Laga  Qorayo Deegaanada Baadiya ah ee Gabiley kuhareeraysan kuwaas  oo loogu talogalay in ay Duulaan kuqaadaan Deegaanada  Beelaha  Samaroon, wakhtiga Doorashada si aanay  ucodaynin maadama ay  filayaan in ay Muuse Biixi kacodeeyaan.

Maleeshiyo Beeleedkan waxa  maalgalinaysa Shirkad wayn oo kamida kuwa  Adeega Isgaadhsiinta Dalka keena  taas oo aanu dhawaan iyana  badka  soodhigi Doono

Somalilandlive Media  marnaba    kama   Aamusi doonto  Shirqoolada Abaabulan ee  lagu wax Yeelaynayo  Rabitaanka Shacabka Somaliland  Waxana  naga  balan ah in aanu  soobandhigno  wax kasta oo Bulshada kaqarsoon.

 

 Lasoco Dhawaan—- 

Info@somalilandlive.com

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

*