Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yool Ee Maanta

Halkan Ka Akhri Wararkii Wargeyska Yool Ee Maanta

Hargeysa: Askari Boolis ah oo Toogasho ku Dilay Xalay Laba Wiil oo Dhalinyaro ah

Hargeysa(Yool)-Laba Wii loo Dhalinyaro ah, ayaa Xalay fiidkii ku Geeriyooday Xaafadda Cabbaaye oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee Magaaladda Hargeysa, kaddib markii ay Haleeshay rasaas uu ridday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, oo isaggu ka hawlgalaayey Rugta Booliska Hawl-wadaag.

Inkastoo aanu suurto gelin xidhiidh Wargeyska Yool isku dayey inuu arrinkaa Xalay wax kaga waydiiyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliland, iyo sidoo kale, Maamulka Cisbitaalka guud ee Magaaladd Hargeysa, balse haddana siday Wargeyska u sheegeen Dad goob-joog ah oo Xaalada la socday, mid kamid ah labada Cauur ah ee Marxuuminta ah oo ayaa la odhan jiray Suhayb Maxamed Cabdi, balse marxuumka labaad oo anu isku daynay inaanu Magaciisa hello ayaanay noo suurogelin, hadda Maydkoodii yaalo Cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa.

Teeda kale, waxa goob-joogayaashu intaa ku dareen in falka sababay Geerida labada Wiil uu ka dhashay, kaddib markii Askariga falka gaystay oo soo dhexgalay laba kooxood oo dhalinyaro ah, kuwasoo isku laynaayey Koox-koox. Sidoo kalena, Askarigii falkaa gaystay ayaa sida lagu soo Waramaayo waxa uu ku jiraa Gacanta Ciidamada ammaanka, oo sida la sheegay u qaaday xarunta Dambi baadhista ee CID-da.

Dhanka kale, Warar Saacadihii dambe ee Xalay oo Wargeysku helay, ayaa lagu sheegay in is afgarad buuxa laga gaashay falkaa, kaddib markii Xalay kulmeen Waalidiinta labada Cauur ah oo ay weheliyeen Waxgaradkoodu iyo sidoo kale, Hoggaanka Ciidamada Booliska Somaliland isla markana labada dhinac isla qaateen in Maydka caruurta la aaso Maanta.

Madaxweyne Siilaanyo oo la Filaayo Inuu Safar Rogaal-celisa ugu Baxo Dalal Yurub Kamid ah

Hargeysa(Yool)-Warar Wargeyska Yool ka helay Ilo-diblumaasi ah, ayaa tibaaxay Madaxweyne Siilaanyo inuu safar kale oo dibedadeed u bixi doono todobaado kaddib. Ma jiro War amuurta ku saamsan oo ilayo hadda kasoo baxay dhinaca Xukuumadda.

Hase-yeeshee ilaha Wargeysku xogta ka helay, waxay sheegeen in Madaxweynuhuu safarka la filayo uu ku tagi doono dalka Jarmalka, balse ka hor Cagta hore safarkiisaa uu sii mari doono dalka Ingiriiska, Inkastoo aanay Iluhu xusin mudada rasmiga ah ee Madaxweynuhuu kusii naggaan doono doono Magaaladda London.

Geesta kale, Wararka amuurtan la xidhiidha qaarkood ayaa sheegaya in wakhtiga rasmiga ah ee bixitanka Madaxweynaha iyo Waftigiisa lagu wado inuu noqdo Shan Todobaad kaddib. Hase-ahaatee waxa Ilaha xoggaha laga helay ka gaws-qabsadeen ujeedada ama dulucda dhabta ah ee safarka Madaxweynuhuu ku tagayo dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka. Madaxweyne Siilaanyo ayaa Jimcihii todobaadkan dalka dib ugu soo laabtay, kaddib afar todobaad oo u ku joogay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Astaamaha Guusha Iyo Kuwa Guul-darada Ee Xilliyadda Doorashadda

Qaybta 2aad

Hargeysa(Yool)-Hormada labaad ee Taxanaheenan waxay kusoo qaadan doonaa tusmo kale oo aynu kaga hadlayno Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka Siyaasadda Magaca ku leh, hase-yeeshee qurjigoodu u qaaliban yahay guusha, qaarkoodna lagu xidhiidhiyo guuldarada, kolka bulshaddu wax ku faaqidayan goobaha lagu kulmo.

Haddaba, xubnaha lagu xanto guusha iyo Guuldarada ee xilligan Saxadda Xisbiyadda lollamaya nagida ku ah, siiba kuwa lagu tiriyo inanay Guusha la bili ahayn, weliba-na af-xumo godob u reebta sahayda kasii dhigtaa,  waxa kamid ah, Wasiirku-xigeenka qorsheynta Md. Axmed Aadan Ismaacil (Axmed Kayse) oo isaggu xilligii Xukuumadii Riyaale xilal kasoo qabtay, xisbigii UDUB-na xubin firfircoon ka ahaa. Hase-yeeshee xilliyadii u dambeeyey Xukuumadii Riyaale sabab u noqday inuu Cod badan ka lummiyo Xukuumadii iyo Xisbigii uu ka tirsanaa ee UDUB, kaddib markii uu Waraysi uu xliiyada bixiyey sida Mucaaridku u fasiray inuu sheegay in Gudoomiyaha Kulmiye oo ahaa xilliga Axmed inaanu dalka soo geli Karin, hadii aanu cafis ka dalban Xukuumadda Riyaale. Axmed Siilaanyo oo ahaa Gudoomiyaha Kulmiye xiligga waxa uu ku sugnaa dalka Maraynkanka, halkaasoo uu kaga qaybgalay Shir uu soo qaban-qaabiyey “senator Donald bay, Nin-kaasoo ahaa dadka u Ololleeya arrimaha midnimada Somaliya.

Waxa kaloo xusid mudan kana mid ah Maanta  xubnaha aadka u firfircoon qalabka Warbaahinta aan ka bixin, hase-ahaatee wanaag iyo waxtar midkii uu sameeyaba uu udhacayo xagga daamabaca Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Amb Cabdifatax Siciid Axmed. Md. Cabdifatax oo xilligii Xukuumada Riyaale mar ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Erland, xilliyada Cabdifatax iyadoon bulshaddu aqoon badan u lahayn, haddana waxa uu ahaa dadka ugu doodaha adag marka lasoo qaado Xisbiga Kulmiye, si gaar ah isagga waxa loogu xasuustaa Waraysiyo iyo doodo adag   oo u ku durayo Xukuumadda Kulmiye markii ay tallada dalka la wareegtay, waxyaabaha uu sida gaarka ah uga ugu dhaliili jiray Xukuumadda Siilaanyo waxa kamid ah, eeddo sheegaya Madaxweyne Siilaanyo inaanu dalka ka talin, isla markana awooddii Madaxtimada dalka u gacan-gashay dumar iyo caruur.

Hase-yeeshee, Amb. Cabdifatax halkaa kummu adkaysan waxanu mudo dabadeed u booday dhinaca  Xukuumada, gaar ahaan Madaxtooyadii uu dhaliili jiray, waxanu ka hor intii aan xil loo magacaabin bilaabay waraysiyo uu ku diffaacayo qoyska madaxtooyadda, siiba Wiilka Madaxweynuhuu sodogga u yahay, isaggo la hadlaya Mulkiilaha Wargeyska Haatut Midai Group Yusuuf Cabdi Gaboobe, waxa hadalladiisii kamid ahaa “.. Amb. Baashe Cawil Ilahay-baa Nasiib u siiyey In Siilaanyo sodog u noqdo”.

Geesta kale, Siyaasiyiinta burjigoodu guusha u qaaliban yahay waxa kamid ah, Siyaasi Ismaacil Aadan Cisman (Ismaacil yare) waxa lagu majiirta inuu yahay Siyaasiyiinta halka adag mab’da uu kolba aaminsan yahayna ku kalsoon, weliba si gaar ah Md. Ismaacil waxa lagu xasuustaa Doorashadii aqalka Madaxtooyadda ee 2003-dii  ee ay ku tartamaayeen Madaxweynihii waqtiga Md. Daahir Riyaale iyo Madaxweynaha hadda Md. Axmed Siilaanyo, waqtigaa Md. Ismaacil waxa uu ahaa Wasiirka arrimaha gudaha, sidoo kalena isagga iyo Mujaahid Cabdilahi Xuseen iiman (Cabdilahi Dareewal) waxa ay noqdeen Ilahay ka sekow dadkii lahaa Guushii UDUB ka gaashay Doorashada. La soco Cadadka Dambe.

“..Waan qabaa Axmed Siilaanyo inuu Xanuusanayo…Iguma Filna QAAXO ayaynu Wada Joognay iyo SNM Baynu Ahayn..”

Siyaasi Cali Guray

Hargeysa(Yool)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa si cad daboolka uga qaaday Madaxweyne Siilaanyo inuu xanuun-sanaayo, sidoo kale, waxa uu iftiimiyey gooni isu-taaga Somaliland inaanu ki jirin hadafka iyo ujeedadii Ururkii SNM.

Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Waraysi uu siiyey Telefishanka KALSAN TV, oo qaybo kamid ah laga sii daayey Teleshinka, waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin taageeradiisa KULMIYE, iyo sidoo kale aragtida uu kaminsan yahay Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Waxa kaloo, uu Muj. Cali Guray iftiimiyey aragtidiisa shaqsi ee ku aadan hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaji xasan. Ugu horrayn Cali Guray oo sharraxaya doorashadiisa Kulmiye iyo aragtidiisa Muuse Biixi, waxa uu yidhi: “.. Muuse 32-sanno ayaan kasoo horjeeday ilaa maanta, sow idin-ma lihi anigu [Ali-gurey] codkaygaan siinayaa weli Cali-Gureyow maxay kula tahay ima odhan, ma arag, ma rumaysanaysaa? Ragga waa-weyn ee aqoonyahanka ah ee aniga iiga sii dhowaa Nin uu wax weydiiyey kuma jiro …Uma arko Muuse Biixi iyo Cirro inuu midna hoggaamiye yahay. Aniga laftaydana iguma filna QAAXO ayaynu wada joogi jirnay iyo SNM baynu ahayn oo waynu soo halganay, waxaan wax ku doorto maaha..”.

Teeda kale, Cali Guray oo ka jawaabayey waxay la tahay hadal haynaha soo noq-noqday ee la xidhiidha Caafimaadka Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi “..Waan qabaa Axmed [Madaxweyne Axmed Siilaanyo] inuu xanuusanayo..”.

Mujaahidka oo wax laga waydiiyey aragtida shaqsi ee u ka qabo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xasan, waxa uu yidhi “..Horta Xirsi waa FARIID, Fariidkana waan jeclahay xataa hadii aanu is-hayno, waa nin dedaal badan, waa geesi…Khibrad dheer malaha..”.

Ugu dambeyn Siyaasi Cali Guray waxa uu si cad uga hadlay fikirkiisa ku aadan midnimada Somaliya, iyo sidoo kale, Ururkii SNM siyaasaddiisa ku aadanay Mustaqbalka Somaliland iyo Somaliya, isagoo arrintaa ka hadlaya, waxa uu yidhi  “..Waxaan ugu jeclaan lahaa Soomaali oo dhan oo dawlad keliya leh calan keliyana leh hadaan helayo, hadaan waayo Soomaaliya iyo Somaliland oo mid ah oo calan keliya leh, caddaalad-na ku heshiiya. Dee waxaan ka dagaalamay may hayn Soomaali diid..”. Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

“..Sidii UDUB ha u Samraan, Waa Cadceed Dhacday KULMIYE..”

Xoghayaha Xisbiga WADDANI

Hargeysa(Yool)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa sharci daro ku tilmaamay in ciidamo lagu wareejiyo oo la xidho Xafiisyadii xisbiga WADDANI ku lahaa magaalooyinka Gabiley, Nasiye iyo Qoyta, waxaanu Xukuumada KULMIYE ugu baaqay in si dhakhso ah uga qaadaan ciidamadaasi.

Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xoghayaha Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in xisbiga WADDANI aanu marnaba aqbali doonin sharci daro lagu xidho Xafiisyadooda, taageerayaashooda iyo Masuuliyiintooda gobolada dalka u joogta.

Xoghaye Uurcade shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu Xukuumada ku eedeeyey inay masuul ka tahay shaqaalaha dawladda ee ololaha xisbiga KULMIYE ka dhex muuqda iyo sicir-bararka naafeeyey dalka inay iyadu masuul ka tahay, isagoo arimahaasi ka hadlaya Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, waxa uu yidhi: “..Gabiley si sharci daro ah oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka oo hanjabaad iyo cago juglayn ah ayaa ciidankii qaranka xafiiskii WADDANI loogu wareejiyey, iyadoo muwaadinkii uu ka kireeyey nootaayadii ay kala qorteen wax ka dhimanina aanay jirin, muwaadiniina ay yihiin dalka leh, xaqna u leh cidina aanay u diidi karin.

Waxaanu Xukuumada Somaliland iyo xisbiga KULMIYE-ba uga digaynaa oo aanu leenahay si degdeg ah ha uga qaadaan ciidankaa ay ku xeereen hadii ay ka qaadi waayaan sharci darada xisbiga WADDANI marna ma aqbalayo, wax waloo ay ku kalifaysana yeeli maayo wax sharci daro ah iyo caga-juglayna in KULMIYE iyo Xukuumada oo isku duubani ay sameeyaan, kana aqbali mayno Gabiley iyo Qardho-toona ka yeeli mayno.

Waxa soo baxday oo iyaduna layaab leh in roogag loo dhigayo Wasiiradii, inamadii Madaxweynuhu magacaabay in roog-cas loo dhigayo, Madaxweyne-ku-xigeenkiina sacabada lagu soo dhaweynayo, taasi waxa ay ina tusaysaa nidaamka baaba’ay iyo kala dambaynta baaba’day iyo hogaankii dalka oo la barbar ordaayo, wixii ummaddu dooratay oo la barbar ordaayo oo inamo yari siday doonaan ay u socdaan, waxaanu leenahay ha loo soo noqdo nidaamka dawladnimo ee dalkani ku dhisan yahay iyo borotokolka, hadaad diidaana inaad raacdaan waxaad noqon doontaan inmo sidayada suuqa jooga, waanu ka digaynaa in arintaa foolxumadeeda mar dambe aduunyadu daawato..”. Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey shaqaale aan mushahar qaadan iyo Sicir-bararka naafeeyey bulshada Somaliland, waxaanu yidhi “…Waxa kale oo jirta in qaar ka mid ah shaqaalihii dawladu aanay qaadan mushaharkii oo wax kale daayoo mushaharkii yaraa aanu wax kale u goynayn oo Xukuumadu sicir bararka ay dulsaartay oo ay baabiisay, hadana wixii yaree ee koobka shaaha ah goyn la’aa aanay ilaa maanta ragga qaarkii aanay qaadan inta qaadatayna ay goor dambe qaadatay, waxaanu ka digaynaa oo KULMIYE uu odhan jiray markay dalka qabsadeen ‘Shaqaalihii Dawladda oo deyn lagu leeyahay ayaanu nimid’, waxaanu maanta arkaynaa in tii ay sahad-sanayeen ku socoto Somaliland, sicir-bararka iyagaa wadda oo way ugu talogaleen natiijadiisana waynu ogaan doonaa waxay ku dambayso oo in badan ayaanu ka hadalnay, waayo uma jeedaan oo dhago wax maqlayaa meesha ma joogo oo waa nimankaa lacagta kicinaya ee shacbiga iyo ciidamada iyo danyarta ku kicinaya, oo waxaanu leenahay waar Illaahay ka baqda oo ummadiina u naxariista oo lacagtan aad suuqa ka sarifaysaan joojiya oo bangiga lacagta ku shuba, adhiga waligeedba waa la xidhi jiray sicir-bararkuna waligii heerkaasi muu gaadhin, Xukuumadaana wada oo Wasiiradaa wada..”.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlayey Shaqaalaha dawlada ee ololaha xisbiga KULMIYE ka dhex muuqda, waxa uu yidhi: “..Waxa kale oo iyaduna soo baxaysa in olole ay ku jiraan Maareeyeyaal, Agaasimayaal in dhamaan shaqaalihii Xukuumadu uu si toos ah ugu jiro olole oo uu ka ololaynayo Bari iyo Galbeedba, Madaxweyne ku xigeenkuna amar bixiyey laakiin aan amarkii la raacayn, waxaanu leenahay waxa uu dalku dal ku yahay, dadkuna ay dad ku yihiin, xisbiyaduna ay xisbiyo ku yihiin waa nidaamka, KULMIYE nidaamka ha u soo noqdo.

Calamada iyo Xafiisyada uu xidhaayo ee WADDANI leeyahay ee ku yaala Qoyta, Balan-bale, Nasiye iyo kuwaa Gabiley ee ay ciidanka ku wareejiyeenba waxaanu leenahay calamadiina halkooda ha ku celiyaan waa calan qaran calanka xisbigu leeyahay, calan aad dajisaana idiin codayn maayo, waxaan leeyahay sidii UDUB u samirtay KULMIYE ha u samro oo ha iska daayo gabgabata iyo calamada uu ku meeraysanayo iyo xafiisyada uu kolba xidhxidhayaa cod u keeni mayso, markaa sidii UDUB u samirtay ha u samraan waa cadceed dhacday KULMIYE oo wakhtigiisu wuu dhamaaday oo yaanu dadka dambaaburo kaga tagin iyo dhibaato intaa uu gaadhsiiyey ayaa ka badan, ummaddanina maanta diyaar uma aha dhibtaa gaadhay in dhib kale ugu darto oo mar kale ay doorato.”. Sidaasi waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC Iyo Xuska Sannaad-guuradda Lixdanaad

Hargeysa(Yool)-Berri oo ah Maalin Salaasa ah, Taarikhduna tahay 18-ka July 2017-ka waxay ku buuxda lixdan Sanaadood markii u horraysay Taarikhda ee ay hawada gasho baahinta Laanta Afka Soomaliga ee Idaacadda BBC-da, oo ku begnayd 18-kii July 1957-kii.

Idaacadda BBC-da oo ka kooban Laamo tiro badan oo lagaga hadlo luuqado kala duwan oo ay leeyihiin Umaddo badan oo ku dhaqan dunida Korkeeda, waxa laanta Afka Soomaliga ee BBC-du ku jirtaa safka hore Luuqadihii ugu horreeyey ee baahintoodu ka baxdo Idaacadda BBC-da.

Inkastoo xilliga Idaacadda laanta afka Soomaliga ee BBC-da la bilaabay aanu jirin luuqad af Soomali ah oo qorani, haddana Wariyaashii Soomaaliyeed ee xilligaa ka hawlgalay waxay ku guuleysteen inay baahinta Idaacadda galan iyaggoo is waafajinaya Warka ay tabinayaan oo ku qoran Luuqada Ingiriisada iyo baahinta ama gudbinta oo ku baxaysay af Soomali, taasi waxay ina tusaysaa kartida Wariyaashii Soomaliyeed ee wakhtigaa ay lahaayeen intaa ay le’ekayd, taasoo la micno ah inay Indhaha ku hayeen qoraal Af Ingiriisi ku qoran, Maskaxdooduna bedelaysay ama turjumaysay dhawaaqa afka usoo gudbayeynaa uu ahaa Soomali.

Haddaba, Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaliga oo mudadii ay jirtay ay kasoo shaqeeyeen Wariyaal tiro badan oo Somaali ah, waxa kaloo ay door weyn ka qaadatay kobcinta iyo erey bixinta afka Soomaliga,taasoo kamid ah arrimaha aad loo xusay Sannaadka.

 

Leave a Reply

*