Madaxweyne Siilaanyo oo la Filaayo Inuu Safar Rogaal-celisa ugu Baxo Dalal Yurub Kamid ah

Madaxweyne Siilaanyo oo la Filaayo Inuu Safar Rogaal-celisa ugu Baxo Dalal Yurub Kamid ah

Hargeysa( SLLYool)-Warar Wargeyska Yool ka helay Ilo-diblumaasi ah, ayaa tibaaxay Madaxweyne Siilaanyo inuu safar kale oo dibedadeed u bixi doono todobaado kaddib. Ma jiro War amuurta ku saamsan oo ilayo hadda kasoo baxay dhinaca Xukuumadda.

Hase-yeeshee ilaha Wargeysku xogta ka helay, waxay sheegeen in Madaxweynuhuu safarka la filayo uu ku tagi doono dalka Jarmalka, balse ka hor Cagta hore safarkiisaa uu sii mari doono dalka Ingiriiska, Inkastoo aanay Iluhu xusin mudada rasmiga ah ee Madaxweynuhuu kusii naggaan doono doono Magaaladda London.

Geesta kale, Wararka amuurtan la xidhiidha qaarkood ayaa sheegaya in wakhtiga rasmiga ah ee bixitanka Madaxweynaha iyo Waftigiisa lagu wado inuu noqdo Shan Todobaad kaddib. Hase-ahaatee waxa Ilaha xoggaha laga helay ka gaws-qabsadeen ujeedada ama dulucda dhabta ah ee safarka Madaxweynuhuu ku tagayo dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka. Madaxweyne Siilaanyo ayaa Jimcihii todobaadkan dalka dib ugu soo laabtay, kaddib afar todobaad oo u ku joogay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

 

Xigasho Wargeesak Yool

Leave a Reply

*