Somaliland: Ma Waxaa Lala Hadlaa Somalia Mise Somaliweyn?

Somaliland: Ma Waxaa Lala Hadlaa Somalia Mise Somaliweyn?

Somaliland: Ma Waxaa Lala Hadlaa Somalia Mise Somaliweyn?

Sida taariikhda ku cad waxaa 1960 is-raacay Somaliland iyo Somalia oo xilligaas la kala odhanjiray Waqooyi iyo Koonfur, labadaas dal oo sannadkaas ka kala xoroobay Ingiriiska iyo Talyaaniga. Somaliland lama midoobin Somaliweyn sannadkii 1960 balse waxay la midowday Somalia (Koonfurta) oo qudha. Dawladnimada iyo qaranimada waxaa samankaas lahaa oo ka dhaxaysay Somaliland iyo Somalia. Jabuuti, Kilinka Shanaad, iyo Waqooyi Bari Kenya kama mid ahayn midowgaas. Sidaas daraadeed, marnaba xaq uma laha inay ka hadlaan midnimadaas ama xataa ka qaybgalaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia maadaama aanay khusayn shuqulna ku lahayn. Jabuuti marka ay teeda keento oo ku biirto Somalia ayay midnimo ka hadlikartaa. Kilinka Shanaad iyo Waqooyi Bari Kenya marka ay tooda xorreeyaan oo ku biiraan Somalia ayay midnimo ka hadlikaraan. Kooxda u dhalatay Somaliland ee ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka Muqdisho iyaguna xaq uma laha inay ka qaybgalaan wadahadal dhexmara Somalia iyo Somaliland sababta oo ah ma jirto midnimo dhaxmartay Somaliland iyo Somaliland mana matalaan Somaliland balse waxay matalaan Somaliweyn.

Maanta Somalia kama jirto dawlad ay leeyihiin dadka Somalia (dadka Koonfurta) waxaase ka jira dastuur, xukuumad iyo Baarlamaan ku salaysan Somaliweyn ama 5ta Somaliyeed oo ka kooban Somalia, Somaliland, Jabuuti, Kilinka Shanaad, iyo Waqooyi Bari Kenya. Somalia waxay noqotay maanta hilbo bisil oo 5ta Somaliyeed wada raqaan kalana boobaan. Nabadgelyo la’aanta maanta Somalia ka jirta waxaa sabab u ah hugun magaca Somaliweyn ee aan jirin oo u diidan in dadka Somalia (Koonfurta) gacantooda ku maamushaan dalkooda iyo dawladnimadooda kuna soo ceshadaan nabadgelyadooda.

Somaliland, Jabuuti, Kilinka Shanaad, iyo Waqooyi Bari Kenya looma oggola dadka u dhashay Somalia inay galaan Barlamaanadooda, xukumadahooda iyo ciidamadooda waayo uma dhalan. Xubnaha aan Somalia (Koonfurta) u dhalan ee maanta ka buuxa xukuumadda iyo baarlamaanka Somalia ma helidoonaan degaano laga soo doorto mustaqbalka oo ku yaal Somalia sababta oo ah waxay ku yimaadeen doolaal xukun iyo maaldoon ah. Dadka Somalia (Koonfurta) waxaa lagu beerlaxawsadaa in Muqdisho tahay hooyada Somalida sidaas daraadeedna aan la kala xigin ama la kala lahayn dawladnimada Somalia iyaga oo aan waxba tarin Somalia xag ciidan iyo xag dhaqaalaba. Afarta Somaliyeed ee kale kii jago ka waayaaba waxaa uu u cararaa Muqdisho si uu jago u helo. Haddii Somaliweynimadu dhab tahay oo aan lagu hoosaasinayn dadka iyo dalka Somalia, maxaa loogu diiday dadka u dhashay Somalia inay galaan dawladnimada Somaliland, Kilinka Shanaad, Waqooyi Bari Kenya, iyo Jabuuti halka tooda laga dhigay wax la wada leeyahay? Dawladnimadii Somalia (Koonfurta) ayaa waxa lagu saleeyay wax la magacaabo 4.5 oo ku dhisan qabyaalad la ogyahay inay dawlad iyo qaranba burburiso dabadeedna waxaa loo baxshay wax lagu magacaabo “FADARAAL” oo macnaheeedu yahay dal iyo dad aan la kala lahayn oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed taas oo ah khiyaamo weyn oo laga galay dad Somalia.

Waxay maanta Somaliweyn noqotay hugun iyo magac ay ku shaqaystaan shakhsiyaad intooda badan ka yimid Somaliland, Kilinka Shanaad, iyo Waqooyi Bari Kenya si ay dadka Somalia uga boobaan jagooyinkooda iyo maalkooda ay ku tashan lahaayeen, awoodna u siin lahaa inay soo ceshadaan nabadagelyadooda iyo dawladnimadooda waqti hore. In badan oo Somalia uga yimid Somalida kale ayaa ka dambeeya shirqoolada iyo mooshinada ku salaysan hunguriga iyo jago doonka ee lagu khalkhalgeliyo laguna qasayo dawladnimada Somalia taas oo dalku ka degi la’yahay halkii ay edab ay ku joogi lahaayeen. Sababihii burburiyay Xukunkii Moxamed Siyaad Barre waxaa ka mid ahaa in dawladnimadii ay wada lahaayeen Waqooyiga iyo Koonfurta uu ka dhigay mid ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed oo aan la kala lahayn dabadeedna uu shacabkii dalka iyo dawladnimada lahaa ka gadooday iskana tuuray heeryadii isku-dulnoolaanshaha.

Markii Siyaad Barre Afgembiga Milatari ku qabsaday Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia sannadkii 1969 waxaa uu si gaar ah ugu gacan-haadshay dadkii u dhashay Gobolka Somaliyeed ee Itoobiya iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya. Waxaa uu qaxootigii ka dhigay gole sare, gole dhexe, wasiirro, guddoomiyayaal gobollo, janano, taliyayaal ciidan iwm. Dadkii gobolladaas ka yimid ee qabsaday dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia waxay dadkii dalka u dhashay kula kaceen cadaadis siyaasadeed iyo tacadiyo waxayna si weyn uga qaybgaleen dilkii, xasuuqii, iyo burburkii loo geystay dalkii iyo dadkii Jamhuuriyaddii ay martida ku ahaayeen. Xataa waxaa la hubeeyay qaxootiyadii dalka la dejiyay laguna jeediyay dadkii wadanka u dhashay. Xilligaas, qaxootigii ayaa noqday wadani, wadanigiina waxaa uu noqday qaxooti. Waxa uu ahaa xilli daran oo qabyaaladdu ka xoog-roonaatay oo legaday wadaninimadii, qaranimadii, iyo dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia oo loo loogay loona shidheeyay Somaliweyn aan waxba wada lahayn.

Figradda “Somaliweyn” maaha wax jira maanta ee waa uun magac iyo riyo aan la garanayn waqtiga ama samanka ay rumoobi. Maanta Somaliweyn waxay la midtahay “Carabweyn” oo kale oo iyaduna magac uun ah iyo riyo aan la garanayn waqti ay rumoobi. Ninka Reer Masar ah ee taga dalka Jordan ama dal kale oo Carbeed marnaba uma suurtowdo inuu galo baarlamaanka Jordan ama dal kale oo carbeed amaba noqdo wasiir ama uu darajo sarkaal ka qaato dalkaas. Dalalka Carabta ee kala deggan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe (18 dal) midkasta dawladnimadiisa isagaa leh oo ay gaar u tahay iskumana xad-gudbaan iyaga oo ah isku Af, Diin, midab, dhaqan, iyo caado waayo waxba ma wada laha. Dalkastaba waxaa leh dadkiisa laakiin waxaa ka dhaxaysa walaalnimo iyo iskaashi.

Somalinimadu waa jinsi ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed sida carabnimadu ay u tahay jinsi ka dhaxeeya carabta oo dhan ee macnaheedu maaha inay tahay fowdo aan dal iyo dadtoona la kala lahayn sida maanta ka taagan Somalia (Koonfurta). Shisheeye ma kala dilin Somalida ee iyada ayaa iskala dishay oo kala gashay eedo waaweyn oo ka baxsan Islamnimada, Somalinimada, iyo aadminimda. Shillalka ay maanta Somalidu saarantahay iyada ayaa is-dhigtay kadib markii qabyaaladu ka xoogweynaatay Diintooda Islaamka.

Haddaba, haddii aanay Somalia ka jirin dawlad dadka Koonfurtu leeyihiin maanta sidii 1960, ma garbaa, ma xaqbaa in Somaliland la hadasho Somaliweyn aanay waxba wada lahayn? Ma waxay Somaliland la hadlaysaa xukuumadda Somalia ee ku salaysan Somaliweyn? Somaliland xaq looguma laha inay wadahadal la gasho Somaliweyn. Xaq looguma laha inay wadahadal la gasho xukumadda Somalia ee baarlamaankeedu iyo xukuumadeedu ka koobanyihiin 5ta Somaliyeed ee ka talisa Muqdisho maanta. Somaliland waxay xaq u leedahay inay la hadasho xukuumad iyo baarlamaan ay leeyihiin dadka Somalia (Koonfurta) oo qudha waayo Somaliland iyo Somalia oo qudha ayaa is-raacay 1960 ee isma raacin Somaliland iyo Somaliweyn.

Marnaba wax natiijo ah kama soo baxayaan wadahadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Somaliweyn waayo waa khiyaamo iyo dhagar loo maleegayo ummadda Somaliland oo la rabo in iyadana laga dhigo raq ay wada hiigaan wadana cunaan Somaliweyn ama 5ta Somaliyeed. Kuwa Somalia (Koonfurta) aan u dhalan ee ka buuxa xukuumadda iyo baarlamaanka Muqdisho ayaa aad ugu ordaya midnimo kale oo dhexmarta Somalia iyo Somaliland si ay u xukumaan dal iyo dad aanay u dhalan una boobaan jagooyinkiisa iyo maalkiisa sida samankii Siyaad Barre.

 

Somaliland: Ma Waxaa Lala Hadlaa Somalia Mise Somaliweyn?

Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib ah madaxdooda, siyaasiyiintooda, madaxdooda dhaqanka, iyo indheer-garadkooda inay ka baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan talada iyo aayaha ummadooda iyo dalkooda oo kala wareegaan kuwa ku soo galay dalkooda magaca Somaliweyn oo iska buuxiyay xukuumadooda iyo baarlamaankooda iskuna taxay jagooyinka iyo darajooyinka aanay xaq u lahayn ee laga boobay dadka Somalia isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga dhistaan gobollada ay ka soo jeedaan ee ka yimaadeen. Lagama yaabo in nabadgelyo iyo dawladnimo dhakhso ugu soo noqoto Somalia inta ay ku jirto hugunka Somaliweyn oo ka dhigay dal iyo dad aan la kala lahayn oo u horseeday fawdo sii adkaynaysa xallinta dhibaatooyinka maanta ka taagan somalia.

Ummadda Somaliland waa in aanay marnaba ka sugin in Somaliweyn ay aqoonsato jiritaankeeda waayo waxay rabaan midnimo u suurtagesha inay gacanta ku dhigaan maamulka Somaliland mar labaad dabadeedna inta ciidamo aan u dhalan Somaliland laga soo buuxiyo dalka lagu cabbudhiyo ummadda, hantideeda lagu dhaco laguna xasuuqo haddii ay ka gadoodaan sidii xilligii xukunkii Siyaad Barre.

Shacabka, xukuumadda, golayaasha iyo xisbiyada Somaliland waa in ay aad uga fiirsadaan khiyaamada iyo dhagarta looga maleegato Muqdisho ee ku duugan wadahadalada Somaliweyn isla markaana si rasmi ah uga tanaasulaan inay wadahadal lala yeesho Somalia oo Somaliweyn ku salaysan ilaa inta ay ka dhalanayso xukuumad iyo baarlamaan ay iska leeyihiin dadka u dhashay Somalia sidii 1960kii. Haddii Somalia ay ka jirilahayd dawlad ay dadkeedu leeyihiin sidii 1960kii waxaa xaqiiqo ahaan lahayd inay wadahadaladu midho dhali lahaayeen.

Ibrahim Hassan Gagale
Taariikh: July 20, 2017

Leave a Reply

*