DJIBOUTI IYO BRITAIN mida sidii ay Somaliland ugu listay ugumay Hambaynin

RASHEED A MEIGAG SAMATER

Maalmo yar horteed bay ahayd markii Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire uu si badheedh ah uu cod sare ku dhawaaqay in wixii khatar ah ee soo waajaha dalka iyo dadka reer Djibouti – in Somaliland naf iyo maalma la garab taagan tahay walaalohooda Djibouti, taasoo ahayd u quus goyn ama digniin S/Land u diraysay Dalka Eritrea, ka dib xiisadda Bariga dhexe ee xukumadda Djibouti ku taageertay Sucuuduga, sababtayna in Dawladda Qadar ka gurato ciidamadii nabad-ilaalinta ee kala dhex joogay Djibouti iyo Eritrea, lana dareemay dhadhaqaaq ciidan oo durbadiiba ka bilaabmay xuduudda labada dal.
Waxa intaa ka horraysay illaa iyo gobanimo-doonkii dalka Djibouti in dadka reer Somaliland qayb libax ka qaateen halgankoodii xornimo doonka, nafo qaali ihina kaga baxeen, maalintaas iyo illaa maantanta ay shacabka iyo xukuumadda reer Somaliland mar walba ay walaalnimo daacada la garab joogaan dadyowga reer Djibouti una diyaar yihiin in jiritaankooda iyo madax-bannaanidooda ay ku bixiyaan nafaohooda qaaliga ah.
Waxase nasiib darro ah inaan Xukuumadda Djibouti aanay marnaba ka badheedhin taageeradeeda in S/Land noqoto waddan madax-bannaan oo ku guulaysata inay ka mid noqoto umadaha caalamka. (XAASHA’E LIBIN NIN KAA XISDIYAY XUMIHII WAA YAABE). Meel dhow haddaad ka eegto, Ururka Midowga Afrika iyo IGAD oo Djibouti ka mid tahay ayaa marar badan soo diyaariyay xogo iyo qoraallo qeexaya sida ay S/Land xaq ugu leedahay Gooni-isu-taag, taasoo la filayay in Djibouti oo aan naf iyo maal midna ku bixinayni arrintaasi ay ka muujiso taageeradeeda walaalnimo ee ku aaddan jiritaanka walaalohooda S/Land, hase yeeshee taasi ma dhicin.

Waxa kale oo jira xogo tilmaamaya in aagagga magaalada Saylac iyo agagaarkeedu ka mid yahay meelaha la tilmaamay in laga helo macdanta loo yaqaan Dahabka, muddooyin dheer oo ah xataa illaa iyo Dawladdi Maxamed X Ibrahim Cigaal (AHUN) ayay Xukumadda Djibouti mar walba fara-gelin dhow ku haysay agagarkaasi, taasoo ku kelliftay inuu xuduuddaba xidho,waqtiyo kalena waxa la sheegay inay Djibouti weyddiisatay dalkii burburay ee Libya in lagu taageero soo saaridda macdanaahaas Saylac, hase yeeshee Marxuumkii Qaddaafi (AHUN) uu ka gaabsaday sheegayna in Saylac tahay Somaliland, haddiise Djibouti laga helo Macdan uu taageeri doono. Waqtigan xaadirkana waxa la soo werinayaa in la raro lana qodo dhul badan oo Saylac ku dhow iyadoo marna la leeyahay Djibouti ayaa biyo la’aani haysaa, marar kalena la arkayo baabuur isdaba-taxan oo raraya ciid laga soo qoday Saylac. Haddaba runtu waxa tahay, shacabka iyo xukuumadda S/Land marnaba feejignaan iyo dareen kama qabaan Djibouti – belaayana marnaba kama fishaan, waayo walaalkaa hadduu gurugaaga soo galo, marnaba kama filaysid inuu maryaha xadhigga saran gurto ama kugu soo hago waxyeello kale. Waxase mudnaan lahayd in Dareenkaa walaalnimo ee dadka iyo dawladda Somaliland la yimaaddeen, ay walaalohooda Djiboutina mid la mid ah la qabaan.

 

DJIBOUTI IYO BRITAIN mida sidii ay Somaliland ugu listay ugumay Hambaynin

 

 Madaxwaynaha Dalka Jabuuti oo kasoo  horjeestay Aqoonsi ay Somaliland  hesho

 

Boobka jabuuti Dhulka Somaliland  kuhayso

Dhinaca Britain, waxa marag ma doonto ah in Ingriisku heshiisyo uu la galay qawmiyadihii degganaa Somaliland uu ku yimid ciidda Somaliland, heshiiskaasoo ay ka mid ahayd inuu ka difaaco cadwga ama wixii khatar kaga imanaya dibeddaha, hase yeeshee khiyaamadii ugu horraysay waa markii uu dhulkii heshiiskaas difaac ku jirey uu kula saaxiibay Ethiopia, siiyayna dhulkii uu difaaca ka saxeexay, taasoo xataa markii uu raaciyay Reserve Area ee ugu daray Ethiopia ay dadka reer Somaliland go’aansadeen inay iyaguna saaraan Ingriis, xornimona doonaan kana baxaaan heshiiskaas oo raadsadaan cudud weyn oo soo celisa dhulkii iyo dadkii laga khiyaameeyay, sidaasna Britain noqotay dawladdii ugu horraysay ee aqoonsata jititaanka xuduuduhii hadhay oo la yidhaa Somaliland.
Muddadii Ingriisku joogay Somaliland dadka reer Somaliland waxay ka dhinac dagaallameen boqortooyadii Ingriiska, Dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee adduunkana iyagoo difaacaya danihii Boqortooyada Ingriiska ayay ku waayeen nafo qaaliyaa oo u dhashay Somaliland. Xataa dagaalkii ugu dambeeyay ee Ingriisku galo ee Falklands ayaa dad reer Somaliland ihi ku qaateen Billado iyo shahaadooyin iyagoo ka garab dagaallama Ingriiska difaacayana Danaha ingriiska.
Arrintaa micneheedu waxa weeye, oo yaab ah, in shacabka iyo dadka reer Somaliland, si badheedh ah u taageereen markii ingriisku u baahnaa, laakiin maanta oo S/Land u baahan tahay uu Ingriisku dafiro jiritanka Somaliland ama go’aansado inuu yidhaa Aqoonsigiinna waxa idin haya kuwii dhibtu idin kala gaadhay, waxay la mid tahay dadkii reer Bosnia ee dhibtu kala gaadhay Dawladdii Yugoslavia ee ay ka midka ahaayeen,oo lagu yidhaa Yugoslavia kala hadla jiritaankiinna, hase ahaatee sidaa may yeeline, dawladaha reer galbeedka oo Ingriiskuna ka mid yahay, ayaa cudud Milateri ku taageeray, ilaa Bosnia Aqoonsi Caalamiya heshay.
Isku soo wada duuboo, labadaa shacab ee Djibouti iyo Britain, labadaba Somaliland dhiig ayay u hurtay jiritaankooda, hase yeeshee iyagu taageero hadal keliya mudan bay kaga bakhayleen – sidii S/Land ugu listayna ugumay hanbayn. Waxase hubaal ah, inay gaabiso waa suura-gal laakiin Geeddigu wuu socon, Somalilandna way ka mid noqon Ummadaha jira ee Caalamka.
WA Billahi Tawfiiq
RASheed A Meigag samater (Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somalida EE N. Lond

Leave a Reply

*