[ Halkan Ka Daawo Laascanood : Xisbiga WADDANI oo Xaflad Ku Qaabilay Taageerayaal Ka Soo Jeeda Beelaha Gabooye oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi[+SAWIRO]

[ Halkan Ka Daawo Laascanood : Xisbiga WADDANI oo Xaflad Ku Qaabilay Taageerayaal Ka Soo Jeeda Beelaha Gabooye oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi[+SAWIRO]

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey wax-garad iyo taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeda beelaha Gabooye isla mar ahaantaana ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa caawa ka dhacday hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood.

Wax-garadkan iyo taageerayaashan oo ka soo diga-rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa xafladdii loo sameeyey waxa guddoomiye Cirro ku wehelinaayey siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Abiib Tima Cad, Ambassador Axmed Cali Aadan, xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga WADDANI, guddoomiyaha garabka haweenka, Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, Marwo Qadan Hoodo, guddoomiyaha haweenka ee Canada, boqor Axmed Iimaan, Boqor Ladiif, garaado, salaadiinta iyo wax-garadka iyo taageerayaasha ku soo biiray xisbigaasi.

Qaar ka mid ah wax-garadkii iyo taageerayaashii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ku soo biiristooda xisbiga WADDANI iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay xisbiga keliya ee ay u arkaan in uu dalka gaadhsiin karo maamul ku dhisan horumar, cadaalad iyo sinnaanshiyo.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraamaan Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa beelaha Gabooye ugu balan-qaadey in wasiirka ugu horreeya ee Xukuumaddiisu uu noqon doono wasiir ka soo jeeda oo u u magacaabo beelaha Gabooye, waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaaya.

“Waxa aan runtii aad u boggaadinayaa una hambalyeynayaa garaadka, odeyaasha iyo haweenka la shaqeeyey, waxa aan hambalyeynayaa boqor Axmed iyo Suldaan Ladiif oo ka mid ahaa Madaxda weftiga, waxa aan hambalyeynayaa beesha go’aanka adag qaadatay in Xisbigii ay ka tirsanaan jireen mudada dheer ay ka soo baxdo iyaga oo sharxay sababta ay uga soo baxayaan, waxaanan idin ku soo dhaweynayaa soo dhaweyn furan iyo qalbi furan, waxa aad timaadeen Xisbi aan la kala lahayn oo loo siman yahay shacbiga reer Somaliland, waxa aad timaadeen Xisbi aan la idin ka lahayn xilalkiisa, madaxnimadiisa iyo dawladnimadiisa toona, xoghayaha cadaaladda ayaa ka mid ah, xoghayaha warshadaha ayaa ka mid ah, xoghayaha golaha dhaxe ayaa ka mid ah, guddoomiye ku xigeenka garabka haweenkaa ka mid ah, garabka dhallinyaradaa ka mid ah, dhammaan qeyb kasta oo Xisbiga ah way ku jiraan, heer gobal, heer degmo , guddiyada xisbiga iyo meel kasta ba.”.

Murashax Cirro oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- “Xukuumadda WADDANI hal balan-qaad bay sameysay, waanan ku celinayaa oo wasiirka ugu horreeya ee aan saxeexayaa wuxu noqon doonaa mid ka soo jeeda beelahan , haddii dawladahii hore ku dhici waayeen anagaa ku dhacayna, ku soo dhawaada Xisbiga, maanta Somaliland baa la badbaadinayaa, badbaadada ayeynu ka wada qeyb-qaadaneynaa, cidina ismay tirin, cidina idinkama badna ee codkiina muujiya.”.

Halkan Ka Daawo

                                                                                                                                          Sawiro
 
          
 somaliland Live Media

Leave a Reply

*