Nuxurka Kullan Ballaadhan Oo Xalay  Uu Xisbiga WADDANI Ku Yeeshay Magaalada Ceerigaabo + Sawirro

Nuxurka Kullan Ballaadhan Oo Xalay  Uu Xisbiga WADDANI Ku Yeeshay Magaalada Ceerigaabo + Sawirro

 

Ceerigaabo (SLL)-Garabka dhalinyarada Heer-qaran ee Xisbiga WADDANI  ayaa habeenkii xalay ahaa kullan balllaadhan magaalada   Ceerigaabo kula yeeshay garabka dhalinayarad ee Xibiga WADDANI ee gobolka Sanaag, kaasi oo ahaa mid lagu dar-dar-gelinayo hawlaha diwaangelinta .

Kullan ayaa waxa ka qayb-galaya Musharax Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga  Maxamed Cali Cabdi iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDDANI, iyadoo kullankanu uu daaranaaa dar-dar-gelint hawlaha diiwaangelinta iyo u diyaar-garawga doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

Guddoomiyaha Heer-qaran ee garabaka dhalinyarada Xisbiga WADDANIA ayaa  ka waramay ujeedada uu daraana kullanakaasi waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan :-“Caawa  xalay waxaanu kulan muhiima la qaadannay maamulka heer gobol, heer Degmo ee garabka dhallinyarada Gobolka Sanaag. Ujeedka kulanka oo ahaa sidii loo dardargelin lahaa shaqada dhallinyarada Xisbiga WADDANI ee Gobolka Sanaag muddada kooban ee ka hadhay doorashada iyo wacyigelinta kaadh qaadshada.”ayuu yidhi Maxamed Sidiiq Dhamme

 

Isagoo haddalkiisa siiwata ayaa wuxuu intaasi ku daray“Sanaag waxa ka dhisan kooxa hawleedyo abaabulan iyo dhallinyaro isbedelku ka dhab yahay oo diyaar u ah sidii ay u xaqiijin lahaayeen guusha doorshada uguna codayn lahaayeen Xisbiga dhallinyarada iyo caddaalada WADDANI.” Ayuu yidhi Guddoomiye Dhamme

 

 

Gunaanadkii guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in ay soo kormeeridoonaan dhammaan  xafiisyada gobolka sanaag ee dhalinyarad Xisbiga WADDANI “Hoggaanka dhallinyarada heer qaran waxay soo kormeeri doonaan laamaha dhammaan Degmooyinka iyo laamaha gobolka Sanaag ee garabyada dhallinyarada Xisbiga WADDANI, muddada ay joogaan deegaanka Gobolka Sanaag.

 

 

 

 

Image may contain: 14 peopleImage may contain: 3 people, people sitting and beardImage may contain: 15 people, people standingImage may contain: 13 people, indoorImage may contain: 2 people, people sitting, beard and sunglasses

Leave a Reply

*