War Deg Deg Ah:- Dagaal Gacmaha Laysula Tegi Gaadhay Oo Dhex-maray Muuse Biixi Iyo Maayar C/raxmaan Sotelco Iyo Maayar Solteco Oo Ka Soo Cadhooday Weftiga Muuse Bixii ,Kuna Soo Jihaysan Hargeysa

War Deg Deg Ah:- Dagaal Gacmaha Laysula Tegi Gaadhay Oo Dhex-maray Muuse Biixi Iyo Maayar C/raxmaan Sotelco Iyo Maayar Solteco Oo Ka Soo Cadhooday Weftiga Muuse Bixii ,Kuna Soo Jihaysan Hargeysa

 

Laas-canood(SLL)-Warar Xog-ogaal ah oo hadda na soo gaadhaya ayaa sheegay in uu Maayarkii Magaalada Hargeysa C/raxmaan Soltelko kamid ahaa weftiga uu hoggaaminayo Muuse Biixi ee socdaalka ku mareeyey degeenada Gobolka Sool inuu hadda ka soo cadhooday oo uu ka soo hadhay weftigaasi.

Maayarka C/raxmaan Soltelco , ayaa la sheegay inuu ismaadhaaf soo kala dhex-galay isaga iyo Muuse Bixii, kaasi oo ku dhawaaday in ay gacmaha iskula tagaan, waxaanu sababey inuu weftiga kasoo cadhoodo oo kasoo hadho Maayar C/raxmaan soltelco, iyadoo la sheegay inuu kaga soo hadhay weftiga Maayarku magaalada Xudun ee gobolka Sool, waxaanu dib ugu soo leebtey dhanka magaalada Laas-canood,isagoo usoo dhaafaya magaalada Hargeysa

 

Dhanka kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE oo khuseeyay arruumrtan, balse masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo kamid ah weftiga, ayaa dhac-daasi noo xaqiijiyey waxaanay ka gaabsadeen in aanu xusno magac-yadooda.

 

Sidoo kalena waxa la sheegay in ergooyin ka duwan oo loo diray in ay soo lad-qabeeyaan Maayar C/raxmaan Solteko ay gacma madhan kala laabtey,waxaanay ku guul-daraysteen in soo lad-qabeeyaan oo xaliyaan xaalada.

Leave a Reply

*